01 March, 2013

Dhididka Bini Aadamka Oo Laga Sameynayo Daawo Dad Badan Ay Ku Farxayaan

Dhididka Bini Aadamka Oo Laga Sameynayo Daawo Dad Badan Ay Ku Farxayaan


Dawo waxyaabaha jidhka soo gala ka hortagaysa oo laga sameeyey dhididka bani'aadamka, ayaa lagu tijaabiyey cudurka halista ah ee qaaxada (TB), sida ay sheegeen khubaro cilmi-baadhis cusub sameeyey oo u dhashay dalka Maraykanka. Maaddo kiimikaal ah oo la yidhaa Dermcidin oo milixda jidhka ka shaqaysiisa, isla markaana diyaarinta asidha dedejisa, xuubka unugyadana ka burburisa waxyaabaha ili ma qabatayga ah ee dhibta u keenaya, ayaa la ogaaday inay dhididka dadka ku jirto. Saynisyahannadani waxay rajaynayaan inay daawadan cusub horumariyaan

si ay ugu xakameeyaan bakteeriyada dhalisa cudurka TB-da iyo kuwa la midka ah ee sambabada ku dhaca, kadib marka dhakhaatiirtani qaabka daawadaas iyo bakteeriyada isu eegaan.

Dr. Ulrich Zachariae oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh ee dalka Ingiriiska, ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi; ?Waxaannu imminka ogaannay macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dabiici ahaan sida daawadani u shaqaynayso, tanna waxaannu u isticmaali doonana inaannu horumarinno si loogula dagaallamo caabuqyada dibadda jidhka kaga yimaad, waana mid ka fiican ta warshadaha lagu sameeyo.? Waqtigan waxa caalamka laga yaqaan ku dhawaad 1,700 dawo Antibiotic ah, waxaanay cilmi-baadhayaashan ku qoreen habkooda wargeys lagu daabaco cilmiyada cusub ee ku soo kordha qaranka, iyagoo waliba sheegay siday baadhitaanka ugu sameeyeen shaqada daawadan cusub. Sidoo kale, dhakhaatiirtani waxay xuseen in maadada kiimikada ah ee Dermcidin ay ku faafto qanjidhadha dhididka bina?aadamka, sidaa darteed marka maqaarku dhaawacmo maadadan keento inay si fudud ula dagaallanto bakteeriyada soo gasha jidhka. Cilmi-badhayaashu waxay heleen in waxyaabaha Dermicin ka samaysan tahay aanay sii waarin, balse la qabsadaan la-dagaallanka xuubabka kala duwan ee unugyada, sidoo kalena bakteeriyada meesha ka saaraan, taasina saamaxi karto in TB-da lagu daweeyo

No comments: