02 March, 2013

Dab Ii Dhiib!


Dab Ii Dhiib!

Waxay ahayd dhacdo igu ugub ah oo si lama filaan ah iila kulantay. Dhegahaygu hore umay baran yeedhmada dhanbaalkan xanbbaarasayd. Mar keliya ayaan maqlay dhawaaq igaga imanayay mid ka mid ah saaxibbada aanu shaqo-wadaagta nahay. "Dab ii dhiib." ayay ahayd odhaahdii afkiisa ka soo yeedhay. Waxaan is ogaaday aniga oo jeebadda bidix ee surwaalkii aan xidhnaa gacanta ku sii wada oo sii hollanaya inaan dalabka ka jawaab-celiyo. Intii aanan jeebka gacanta gelin ayaan sidii qof la qaniinay dib ula soo booday. "Waar maxaad na waydiisay." iyo "Raalli ahaw." Ayaanu si daran-doori ah isu waydaarsannay saaxiibkay. In cabbaar ah ayaanu arrintii ka sheekaysanaynay oo aanu isku qoslaynnay.

In kasta oo saaxiibkay og yahay in anaan sigaarka cabbin isla markaana aan necbahay cidda cabta, haddana xaraarad sigaar oo haysay awgeed ayaa ku kalliftay inuu dab i waydiiyo iguna qaldamo. Dabka uu u jeedaa waa leetarka amm dab-daacda loo adeegsato shidista sigaarka. Maxaad dareemi lahayd haddii lagu waydiisto dad la doonayo in lagu gubo naf nool oo hadlaysa? Walow ay jawaabtu ina dhex taallo haddana anigu markii saaxiibka dabka i waydiiyey waxa i hor timi naf gubanaysa oo baqtiin u baahan.

Haddii aan halkaa kaga soo gudbo guud-markaa aan ku samaynayay dhacdadaa ila kulantay. Waxa aan jeclahay inaad ila wadaagtan xogahan kooban ee ku saabsan sigaarka iyo waxyeeladiisa. Sida aad ka war haysaan cabbidda amma dhuuqista sigaarku waa balwad caalami ah oo dadka adduunku ka siman yihiin isticmaalkeeda. Muslin iyo gaal ba si isku mid ah ayaa loo isticmaalaa. Waxaa-se kala duwan xaddiga, siyaabaha iyo xilliyada la isticmaalo. Waxa dhici karta in qof maalintii dhawr xabbo oo sigaar ah cabbo, halka mid kale ka isticmaalayo dhawr baakidh oo midkiiba soddon xabbo oo sigaar ahi ku jiraan. Baakidh kasta amma istiig kasta oo sigaar ku jirana waxa dusha kaga qoran farriin caafimaad oo dadka loogu sheegayo in sigaarku si ba'an u waxyeelleeyo caafimaadka. Haddana maaddada ku jirta ayaa qofka ku kallifta inuu digniintaa caafimaadka dheg jalaq u siin waayo.

Waa dabciga qofka inuu balwad yeesho. Maxaa yeelay nafta ayaa jecel inay hesho wax ay ku maararowdo amma waqti ku qaadato. Qof kasta waxa uu belwad ka dhigtaa waxay naftiisu la qabsatay oo uu muddo isticmaalayey. Hasayeeshee waxa ugu khatarsan balwadda daroogooyinka oo ay ugu horreeyaan xashiishadda, sigaarka, khamriga, qaadka iyo wax kasta caqliga qofka beddela amma saameeya. Waxa jira dad balwad ka dhigta cabbidda shaaha iyo kafeega.

Waxa aan doorbiday si aad wax badan uga ogaataan sigaarka iyo amuurihiisa inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal uu sigaarka ka diyaariyey nin la yidhaahdo
Dr. Axmed Xalaal, kaas oo arrimahan iftiiminayey; 5 milyan oo qof ayaa u geeriyooda sigaar cabbidda, waa qiyaas ku dhisan daraasad ay samaysay hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaaka ee WHO, illaa 25 cudur oo waa weyn ayaa loo aaneeyaa sigaarka. Sida oo kale jirrooyin kale oo fara badan ayuu sigaarku kaalin weyn ka qaataa sababiddooda iyo uga dariddooda. Sidaa darteed waxa aan ka hadleynaa waa cadow weyn oo ilaahey ku salliday insaanka, mudanna in aynu aan wax badan ka ogaanno.

Inta aynaan guda galin cudurrada uu sababo sigaarku, waxa aynu ku yara hakanaynaa oo aynu is dul-taagi doonna sigaarku waxa uu yahay, iyo sida uu u sababi karo dhibaatooyin ku yimaada jidhka bini`aadamka. Sigaarku wuxuu ka sameysanbyahay qiyaastii afar kun (4000) oo maadooyin kiimiko ah. Maadooyinkaas waxa ka mid ah boqolaal sababi kara cudurro ku dhaca jirka sida Kansar, cudurrada wadnaha, xiddidada, sambbabada iyo xubnaha kale ee jidhka. Maadooyinkaas waxa kamid ah:
1. Nikotiin (nicotine): waa maaddada keenta in qofku sigaarka la qabatimo oo uu caadaysto islamarkaane u diidaysa in uu ka hadho. Waxaana ay marka hore saamaysaa qaybaha kala duwan ee maskaxda. Qofku wuxuu dareemayaa firfircooni iyo qanacsanaan, taasina waxay keentaa in maskaxdu la qabsato oo qofku markuu sigaar waayo uu dareemo caajis iyo niyad-jab, waana sababta ay qofka ugu adag tahay in uu dhaafo amma iska daayo cabbista gaarka. Sida oo kale maxay tahay saamaynta jidhka ee nicotine?
A) Nicotine wuxuu sababaa in uu kor u koco heerka kolistrolka dhiigga (cholesterol) oo ah nooc ka mid ah dufanta, iyada oo xaaladaha ugu adag ee ka dhasha ay ka tahay in dufanku adkeeyo xididdada dhiigga sida ay iskugu dul fuul-fuuleyso, isla markaana sababto in xididdadu yaraadaan amma ay xidhmaan, waana waxa ugu badan ee sababa dhimashada aduunka. Sida in ay xidhmaan xididdada waraabiya wadnaha (atherosclerosis of coronary arteries). Mana aha cholesterol keliya waxa sababa xidid-xidhanka ee sidoo kale nicotine wuxuu sababaa in unugyada xididdada gudaha ka daboola (endothelial cells) ay iska bataan oo ay xidhaan xididka, xaaladahaasina waxay sababaan jirrooyinka wadnaha ee halista ah sida wadnaha oo istaaga. Sidoo kale xubnaha ugu badan ee dhiig-xidhku saameeyo waxaa ka mid ah maskaxda iyo kelyaha.
B) Nicotine wuxuu sababaa in uu kor u koco heer-karka dhiigga islamarkaana wuxuu sababaa in wixii sonkor kayd ku ahaa gudaha unugyada laguvsoo shubo dhiiga, taas oo keenta in qofku aanu dareemin baahi oo ay yaraato wax cuniddiisu. Waana sababta ay caato u yihiin inta badan dadka sigaarka aadka u cabba.
2. Sidoo kale sigaarka waxa ku jira ugu yaraan 80 maado oo sababi karta kansar (cancer) sida maaddada loo yaqaana TAR iyo kuwo kale. Maadooyinkani waxay la fal-galayaan unugyada jidhka waxayna sababayaan in uu khaldamo hab abuurka iyo hab shaqeynta jiinyada (genes) laga maamulo unuga shaqadiisa iyo qaybsamiddiisaba (mutation), taasoo keeneysa in unugyadu u bataan hab ka baxsan kana badan sidi loogu talagalay isla mar ahaantaana keenta waxa loo yaqaanno kansarka.
3. Sidoo kale sigaarka waxaa ku jiro maadooyin kale oo hab kale u sumeyn kara jidhka.
WAA MAXAAY CUDURADA UU SABABO SIGAARKU?
1. Cudurrada WADNAHA: daraasado la sameeyay ayaa waxay qeexayaan in qofka sigaarka cabbaa 80% uga badan yahay halista cudurada wadnaha qofka aan cabbin sigaarka. Sida oo kale daraasad kale ayaa waxay sheegaysaa in qofka sigaarka cabbaa 50% ay u badantahay in waxa dili doonaa ay noqon doonaan jirrooyin la xidhiidha sigaarka inkasta oo ilaahay qoray xilliga uu qof kastaa dhimanayo. Habka sigaarku u sababo cudurada wadnaha waxaan uga soo hadalnay kor markii aynu ka hadleynay nicotine-ka.
2. KANSAR (CANCER): boqolkiiba sagaashan (90%) kansarka sanbbabada waxa ugu badan ee sababaa waa sigaarka Kansarka sanbbabadu waa dilaa waana adagtahay in la maareeyo. Dadka ugu badan ee uu ku dhoco kansarka sanbbabada waa sigaar-cabbayaasha. Sida oo kale kansarka afka, kan dhuunta, hunguriga, kelyaha, baaryaraha, caloosha iyo kuwo kaleba waa uu sababaa sigaarku.
3. Cudurrada kale ee SANBBABADA: Boqolkiiba sideetan (80%) cudurrada keena in neef-mareenku xidhmo amma cidhiidhi noqdo ee laysku yidhaahdo COPD (chronic obstructive pulmonary disease) sida neefta (asthma), borokiitada (bronchitis) iyo sanbbaba-bararka (emphysema) waxaa sababa sigaarka. Waana sababta keenta in dadka sigaarka cabbaa ayna ka raysanin qufac iyo xaako.
4. KELYAHA: Marka laga soo tago halista sigaarka ee kansarka Sanbbabada, sidoo kale sigaarku wuxuu dhaawici karaa kelyaha, isagoo keeni kara kelyo-fashil iyo dhiig kar.
5. INFECTIONS: Sigaarku wuxuu jidhka u sahlaa in ay ku dhacaan infakshanno (infections) kala duwan gaar ahaa kuwa sambbabada sida qaaxada (TB).
6. TARANKA: Raga ay ku dhacdo tamar-darrada dhanka dareenka (impotence) 85% waa sigaar cabayaasha.
7. Dhalmo la'aanta HAWEENKA: Sigaarku wuxuu saameyn ku leeyahay xubinta soo deysa ugxaanta taranka haweenka, wuxuuna ka hor tagaa soo deynta hormoonno muhiim u ah, sidaa darteed haweenka sigaarka cabba waxey halis ugu jiraan madhalaysnimo.
8. Dhanka MASKAXDA: In kasta oo sigaar-cabbayaashu ku doodaan in sigaarku uu maskaxda dejiyo, waxaa la ogaaday in welwalka iyo stress-ku ku badan yahay dadka sigaarka cabba.
Waxa kale oo uu sigaarku waxyeello ku hayaa dhaqaalaha qofka. Waxaana sigaar-cabbayaashu ka dhigan yihiin dad lacagtooda gubaya oo cudur siisanaya.
Ugu danbayntii, Sigaarka waa middi uu isku gowracayo qofka cabbaya, sidaa darteed qofku waa in uu iska joojoojiyo cabdidiisa, inta aanu qabirga dhigin. Waana in qofku ogaado in caafimaadku yahay waxa u suurta gelinaya inuu nolol wax-ku-ool ah ku noolaado, inuu horumar hiigsado, inuu nolol raaxo leh ku tallaabsado, inuu cibaadada ilaahay guto, inuu farx ku noolaado. Ogowna sigaarka waxa ka muhiimsan caafimaadka oo ilaahay wuu kaala xisaabtamayaa sababta aad sigaar u halligtay caafimaadka

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeya, Somaliland

No comments: