19 March, 2013

Dr.Gaboose Oo Xalay Fiidkii Ka Degay Heathrow + Ujeedada Rasmiga Ee Safarka Uu Ku Tegay UK


Dr.Gaboose Oo Xalay Fiidkii Ka Degay Heathrow + Ujeedada Rasmiga Ee Safarka Uu Ku Tegay UK





London-(Qarannews)-Gudoomiyahii urur siyaasadeedkii Umadda ee ku biiray xisbiga Wadani Dr.Maxamaed Cabdi Yuusuf Gaboose ayaa xalay fiidkii ka degay Madaarka Heathrow London,waxaana halkaas kaga hor yimi oo si diiran ugu soo dhaweeyay Wakiilada iyo Taageerayaasha laamaha xisbiga Wadani ee Uk oo uu hor kacaayey Wakiilka Wadani ee Laanta UK Axmed Cali iyo xubno kale oo doora.



Dr.Gaboose ayaa ujeedada safarkiisa ku macneeyay isku xidhka iyo dardargelinta hawlaha shaqo ee xisbiga Wadani,wuxuu kaloo intaas ku daray inuu UK joogi doono muddo,islamarkaana halkan London ku balansan yihiin Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo uu xusay inay si wadajira dardar gelinta hawlaha xisbiga Wadani halkan uga wada shaqeyn doonaan mudada uu joogi doono.

Geesta kale Gudoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan wadanka Finland ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda gaadho wadanka Sweden halkaas oo tibaaxuhu sheegeen inuu kula kulmi doono qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya ee dalka Sweden.

Qarannews

Hargeisa

No comments: