19 March, 2013

Oday Da’weyn Oo Maanta Isdeldelay Iyo Sababaha La Filaayo Inuu Isu Deldelay


Oday Da'weyn Oo Maanta Isdeldelay Iyo Sababaha La Filaayo Inuu Isu Deldelay



Oodweyne-(Qaran-news)- Sida ilo xogogaal ahi Qarannews u xaqiijiyeen waxaa maanta isku deldelay gurigiisa oo ku yaala magaalada Oodweyne marxuum la odhan jiray Ibraahi Kaahin Geelle oo cimrigiisa lagu sheegay ilaa iyo 65 jir.

Marxuumkan ayaa meydkiisa iyo agabkuu (Xadhiga) uu isku deldelayba laga helay gurigiisa dhexdiisa.

Qaar ka mid ah qaraabada Marxuumka isdeldelay oo Qarannews khadka Telefoonka kula xidhiidhnay iyagoo Oodweyne ku sugan ayaa noo xaqiijiyey in loo malaynaayo inuu ninkaas odayga ahi isu deldelay arimo Qoys iyo weliba xaalad nololeed ama cidhiidhi soo foodsaarey.

Qarannews

Hargeisa

No comments: