24 March, 2013

Agaasimahii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo xilkii laga qaadey iyo Agaasime cusub oo loo magacaabay

Agaasimahii Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo xilkii laga qaadey iyo Agaasime cusub oo loo magacaabay

Berbera--Wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilkii ka qaadey Agaasimahii Haamaha kaydka shidaalka Berbera Shiine Cabdi Barkhadle oo xilkaa madaxweyne Siilanyo ku maslaxay markii uu dhaafiyey xilkii uu doonaayey ee Badhasaabnimada Saaxil oo Madaxweyne Siilanyo u xushay Ramaax Cali hayste oo dhawaan laga qaadey jagadaas.

Shiine Cabdi Barkhadle oo muddo dheer ahaa Gudoomiyaha ama Wakiilka Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa markii Siilanyo ku guulaystay talada dalka muddo yar dabadeed loo magacaabay Agaasimaha Haamaha Kaydka Shidaalka  
Geesta kale. xoggaha Qarannews heshay waxay sheegayaan in xilka Agaasimaha Haamaha kaydka shidaalka Berbera loo magacaabay Maxamuud Gahayr oo hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha dekeda Berbera.

No comments: