24 March, 2013

Suldan.Maxamed S.C/Qaadir Oo Sheegay In Dawladii S.Barre U Dhaantay Xukumadan Siilanyo Iyo Inuu Hayo Xogo Sheegaya In Beelihii Burco Ka Soo Guuray Baloodho Looga Raadinaayo


Suldan.Maxamed S.C/Qaadir Oo Sheegay In Dawladii S.Barre U Dhaantay Xukumadan Siilanyo Iyo Inuu Hayo Xogo Sheegaya In Beelihii Burco Ka Soo Guuray Baloodho Looga Raadinaayo



S.Maxamed S.C/qaadir oo sheegay in Dawladii S.Barre u dhaantay xukumadan Siilanyo iyo inuu hayo xogo sheegaya in beelihii Burco ka soo guuray baloodho looga raadinaayo

Hargeisa-(Qaran-news)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa si ba'an u dhaliilay hab-dhaqanka guracan ee xukumada Siilanyo wado,islamarkaana eedo culculus Goroda u geliyey wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan golaha xukumada Siilanyo oo aan ka xusi karno wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale.



Suldaanku wuxuu ku eedeeyay wasiirka duulista Maxamuud Xaashi in isagoo adeegsanaya ciidanka qaran uu xoog kaga raray dad shiciba beerahoodii iyo dhulkoodii ay weligood lahaayeen ee deganayeen.

Sidoo kale Suldaanku wuxuu duray wasiirka hawlaha guud Xaabsade ,isagoo la yaab ku tilmaamay Maareeye (Weli Axmed xaawo) Digreeto madaxweyne Siilanyo ku magacaaban oo wasiir isba digreeto madaxweyne ku magacaabani shaqadii ka eryayo,Wuxuuna Suldaanku intaas ku daray in ficilkaasi muujinaayo in sharcigii iyo kala danbayntii Somaliland baaba'day oo nin waliba siduu doonaayo yeeli karo.

Suldaanku wuxuu si cad u qeexay in hantida ka maqan Wershada Laydh-tiriiga Hargeysa ee ku maqan Dawlada iyo Ganacsatadaa aan loo nisbayn ama dusha loo saarin inuu lunsadey Maareeyaha Wershada ee Xaabsade eryay Weli Axmed Xaawa.

Wuxuu Suldaanku sheegay in dawladu haysato diiwan qoran oo cid wal oo lacag lagu leeyahayba ku xardhan tahay,haddey Dawlada tahay,haddey wasarad tahay iyo haddey ganacsade tahay,iyadana taqaana siday cid walba ugu raadsan lahayd ama ugu soo urursan lahayd lacagta kaga maqan.

Amuurtu si kasta ha u murugsanatee wuxuu Suldaanku ku celceliyey hadaan sharciga iyo distoorka la tixgelin in la arki doono Agaasimeyaal Guud oo wasiiro xilalka ka qaadaaya.

Suldaanku wuxuu kaloo si dadban iyo si toosaba u sheegay in wershada laydhka Hargaysa lacagta daynka ah ee ka maqani inteeda badan lagu leeyahay Madaxtooyada iyo wasaaradaha dawlada,wuxuuna intaas raaciyey in aanu maareeyaha wershadu awoodi karayn in madaxtooyada lacagta laydhka ee lagu leeyahay ka soo qaado, wuxuuna ku sababeeyay inay adag tahay in lagu dhaco in la weydiiyo iyo weliba maareeyaha oo aan madaxtooyada kadinkaba ka geli Karin.wuxuuna Suldaanku ku taliyey in madaxtooyada iyo wasaarad waliba soo bixiso lacagta laydhka ee lagu leeyahay.

Geesta kale wuxuu Suldaanku si mug weyn uga hadlay qadiyada ama arin ka taagan Madaarka Hargeysa isagoo sheegay in beeralaydii iyo xukumada Siilanyo jiq isku yihiin oo maalin walba Raxan wasiiro oo leh kala xadayn dhul baanu wadnaa leeyihiin beeralaydu haka durugto duleedka Madaarka, wuxuuna Suldaanku isweydiiyey tolow meesha ma dad qaxooti ah ayaa la keenayaa oo la dejinayaa

Tu kale wuxuu Suldaanku daaha ka feyday inay hayaan war odhanaaya beelihii Burco ka soo guuray ee Hargeysa soo galay ayaa baloodho looga banaynayaa duleedka Madaarka oo la dejinayaa oo beeralayda looga durkinayaa!.

Suldaanku wuxuu daaha ka feyday in xukumada Siilanyo ay u dhaantay dawladii siyaad Barre ee laga cabanaayey wuxuuna intaas ku daray in cahdigii Siyaad Barre Madaarka iyo beeralaydu jaar ahaayeen oo maalin gudha Dawladii Siyaad Barre odhan ka guura beerahiina, maantana ilaa Gadhka warsame –xaad (Tuulo Hargeysa Bari ka xigta masaafad dhan 70KM) ayey xukumada Siilanyo leedahay ka guura,ka baxa.

Suldaanku wuxuu intaas raaciyey Madaarka wax soo socda iyo waxa inoo soo fadhiisanayana midna nooma muuqdaan, diyaarada ugu weyn ee madaarka soo fadhiisatanaa waa Foker .wuxuu kaloo Suldaanku sheegay in caalamka garoonada diyaaradaha Siliga dabadiisa lagu beero Baradho iyo khudaar laakiin halkan (Madaarka Hargeysa) wax looga jeedo maanu garan ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanku wuxuu kaloo sheegay in ciidamadii qaranku noqdeen Joomitiro Qori wata oo Cagafta hor socda,wuxuu kaloo sheegay in beerihii 7-da KM u jiray Madaarka leeyahay ka baxa oo ka guura dhulkiina,wuxuuna suldaanku saadaaliyey inay halkaa dhibaato iyo foolxumo ka soo socoto, wuxuuna cadeeyay inaanay umadu u dulqaadaneyn hanjabaado iyo inay u adoonsanato waan kaa xoog roonahay oo ciidan baan ku gelinayaa!

Guntii iyo gebgebadii Suldaanku wuxuu shirkiisii Jaraa'id ku soo afmeeray talo uu u soo jeediyey Taliyaha ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale inuu kala baxo ciidankiisan cagafta hor socda ee Qoriga dadka sanka ka gelinaaya, wuxuuna intaas ku daray in qorigan sanka laga marinayaa uu yahay kay Somaliland ku xoreeyeen ee laga daayo oo umada lagala dhex baxo.

Qarannews

No comments: