16 February, 2013

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta oo xabsiga u taxaabay Rag Ajanabi ah iyo Haween Reer Somaliland ah oo ka cashaynayay Oriental Hotel

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta oo xabsiga u taxaabay Rag Ajanabi ah iyo Haween Reer Somaliland ah oo ka cashaynayay Oriental Hotel

khlaiil"Ma Doonayno in markale Fadeexadii Jarmalku ay Dalka ku soo noqoto. talaabo adag baanu qaadaynaa" Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh Khaliil C/laahi Axmed ayaa xabsiga dhigay afar qof oo laba Rag ahi ay yihiin Ajanabi dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Suuriya iyo laba Dumar ah oo Reer Somaliland ah oo habeen hore ka cashaynayay Hotelka Orientalka Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo hotelka ka cashaynayay ayaa arkay afartan qof oo si tallan taali ah isugu kaliyaystay isla  markaana ka cashaynayay kadibna waxa uu dalbaday ciidan booliis ah kuwaas oo kaxeeyay afarta qof una dhaadhiciyay Saldhiga, halkaas oo lagu xidhay.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa Waaheen uga waramay dhacdadan "waxa ay afarta qof soo galeen Hotelka aniga oo markaas fadhiya, habeenimo ayay ahayd, dad dhaqan iyo Diin leh baynu nahay qaabka ay u socdaan markii aan arkay isla markaana ay ii cadaatay inaanay ahayn dad qoysas u eg ayaan xidhay" ayuu yidhi Wasiirku.

Mar anu weydiinay Wasiirka sababta ay dadkan u xidheen iyadoo maalin kasta ay magaaladda iyo Huteeladda ku soo badanayaan dadka isla taga waxa uu yidhi " waa rrin aad u fool xun waad ogaydeen wixii inaga gaadhay Ninkii Jarmalka ahaa, markaas ma doonayno Dumarkeena, Diinteena iyo Dhaqankeenaba wax ku Lidi ah in Dalka gudihiisa lagu caadaysto" ayuu Wasiir Khaliil yidhi isagoo baaq Digniin u diray dadka aan qoysaska ahayn.

Mar aanu weydiinay afarta qof cida ay ahaayeen dhalasho ahaan waxa uu yidhi " Laba Rag bay ahaayeen Suuriyaan ah, labada Haween ahina Reer Somaliland bay ahaayeen, markaa shareecadu ma ogola in dad muxarim kala ahi inay isku kaliyaystaan ama Hudheelo noocan oo kale ah si toos ah isugu yimaadaan, dhawr jeer oo horena arrintaas Bulshada iyo Hudheeladaba waanu kala hadalay. Guddida wanaag farista iyo Culimaduna siyaabo gaar gaar ah ayay uga hadleen" ayuu raaciyay.

Wasiirka oo aanu weydiinay ka hor inta aanay xidhin dadka Ajanabiga ah iyo kuwa Reer Somaliland-ba inay wasaarad ahaan waxyaabaha aan l ogolayn inay qoraal ahaan ugu gudbiyaan meelaha ay ka soo degayaan ama ay ku nool yihiin ba waxa uu yidhi " Wasaarad ahaan Diinta anagaa qaabillsan Dad Muslim ahna waynu nahay waanu wacyigalinaa Dadka, imikana waxaanu wadnaa Qoraalo inaanu daanacno oo aanu meelaha muhiimka ah ku dhajino ama aanu dhigno si aan mar marsiinyo loogu helin dhaqan xumada caynkaas ah oo kale" ayuu yidhi Wasiirku

Ugu danbayntii mar aanu weydiinay inay wali xidhan yihiin iyo inkale waxa uu yidhi " Haweenka Waalidkood baanu la kulanay oo aanu kala hadalnay, laba nine e Suuriyaanka ahina waxay u yimaadeen oo ay la shaqeeyaan Shirkadda Maan-deeq ee maamusha Kawaanka Xoolaha Hargeysa, markaa iyagana waxaa noo yimi qoladaas waananu u dignay inaanay mar danbe Haweenka sidaas ula macaamilin" ayuu kaga baxay.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu qaado isla markaana ay ku qab qabato Rag ajanabi ah iyo Dumar Reer Somaliland ah, iyadoo maalin walba ay jiraan falal soo badanaya oo ay dad ajaanib ahi ku shukaansayaan Dumar Reer Somaliland ah taasoo si qarsoodi ah iyo si toos ahba loo arko.

Short URL: http://waaheen.com/?p=59645

No comments: