15 February, 2013

Sheekh Caan Ka Ahaa Dhulka Somalidu Degto Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalaga Garoowe


Sheekh Caan Ka Ahaa Dhulka Somalidu Degto Oo Lagu Dilay Badhtamaha Magaalaga Garoowe

Garoowe,–Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland, ayaa goor dhawayd lagu dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee sida aadka ah looga yaqaano dhulka Somalidu degto.

Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa sheekha ku toogtay Masaajid ku yaala badhtamaha Magaalada Garoowe, ka dib salaadii Casar, iyadda oo la sheegay in toogashadaasi sidoo kale uu ku dhintay qof kale oo masjidka ku sugnaa.

Markii Sheekha la toogtay ayaa la sheegay in halkaasi ay gaadheen ciidamo boolis ah oo baadhitaan ka bilaabay halkaasi, si gacanta loogu soo dhigo gaxan ku dhiiglayaasha, inkasta oo wararka halkaasi laga helay goor dhawayd ay sheegayaan in dadkii masjidka fadhiyey oo eryaday ninka rasaasta ku dilay wadaadku ay gacanta ku dhigeen, halka kooxdii la socotay ay baxsadeen.

Alle ha u naxariista Sheekh Cabdiqaadir Nuur ayaan ahay Sheekhii ugu horeeyay ee Puntland lagu dilo, balse waxa jira dhowr wadaad oo hore halkaasi lagu dilay.

Ramaas

No comments: