Xildhibaano Cuntadii ka Soomay, Nidar na ku galay ilaa la dhaarinayo inaanay ka baxayn Xarunta Golaha Deegaanka Saylac
Waxa xalay u dhaxay Labadii Xildhibaan ee loo doortay Maayarka iyo ku-xigeenka Saylac
Saylac(Waaheen) labadii Xildhibaan ee kulankii ay hore u yeesheen Tobanka Xildhibaan ee Aqlabiyadda Golaha Deegaanka Sayalc ku Guulaystay u doorteen Maayarka iyo Kuxigeenka Degmadaasi ayaa shalay Cuntada ka soomay isla markaana diiday inay ka baxaan Xarunta Golaha Deegaanka Saylac ilaa inta laga dhaarinayo.
Xildhibaanadan oo kala ah Xuseen Iidle Shire iyo Xasan Nuur Caraale waxa uu go'aan kani ku dhashay kadib markii la baajiyay Fadhi ay shalay ku yeesheen Xaruntooda Saylac oo ay ugu soo diyaar garoobeen in loo dhaariyo Xilalka ay ku Guulaysteen.
Sida uu ku soo waramayo qof goob jooge ah oo ku sugan Saylac waxa ayu labadaasi Xildhibaan ilaa xalay ku sugnaayeen Xarunta, iyadoo ay isku dayeen Ciidamadda Booliisku shalay galab inay ka soo saaraan, balse wada xaajood kadib ay dib uga laabteen Booliisku isku daygoodii.
Dadweyne badan ayaa la sheegay inay ku xoomeen si ay u soo eegaan waxa ka socda Xarunta Golaha Deegaanka ee ay ku jiraan labada Xildhibaan balse Booliiska ayaa ka hor istaagay kadib markii ay ka baqeen in Buuq halkaas ka bilaabmo.
Wariyaha Saylac ayaa ku soo waramay in labada Xildhibaan ku sugan yihiin gudaha Xarunta isla markaana ay magaaladda ka jirto kala qayb sanaan labada Beelood ah, waxaanu xusay inaan la ogayn dhaarta ay sugayaan goorta ay qabsoomi doonto, isagoo sheegay wali in laga war sugayo wadahadalada Xukuumadda iyo Reer Boorama u socda.
Wariyuhu waxa uu intaa ku daray Labada beelood ee isku haya Golaha Deegaanka Sayalc inay beel waliba diyaarsatay Xaflad gaar ah oo ay doonayso inay ku dhaarsato Xildhibaano Beeshooda ka soo jeeda, taasina ay magaaladda Saylac walaac ka dhex abuurtay, isagoo sheegay inay Beesha Aqlabiyada ku Guulaysatay maahee Beesha kale in ay diyaarsatay Xildhibaano u gaar ah isla markaana xaaladu ku socoto laba Gole Deegaan in ay Saylac yeelayo haddii xal kama danbays oo la sila ogol yahay soo bixi waayo.
Short URL: http://waaheen.com/?p=56609
No comments:
Post a Comment