01 January, 2013

Golaha Deegaanka Saylac oo la dhaariyay iyo murankii ka taagnaa oo soo af-jarmay

Golaha Deegaanka Saylac oo la dhaariyay iyo murankii ka taagnaa oo soo af-jarmay

Saylac(Waaheen) Toban Xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha ku soo baxay Golaha Deegaanka Saylac ayaa maanta si rasmio ah loo dhaariyay kadib markii ay Xukuumaddu ogolaatay dhaartooda.

Isla saaka waxa ay Golaha Deegaanka Saylac doorteen Maayar iyo ku-xigeen ka soo jeeda Beesha Samaroon, halka ay toddobadii xildhibaan ee Beesha Ciise aanay ka soo xaadirin kulankii dhaarta iyo Doorashada labadaba.

Dhaarta la dhaariyay Golaha Deegaanka Saylac ayay ka danbaysay kadib markii kulan xalay ku dhex maray Ergo uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Madax dhaqameed Reer Awdal ahi ay jilbaha is dhigeen isla markaana ay ku adkaysteen Madax dhaqameed Reer Awdal inaanay ka tanaasulaynin Jagooyinka u sareeya Golaha Deegaanka Saylac oo ay Aqlabiyad ku heleen.

Short URL: http://waaheen.com/?p=56633

No comments: