09 January, 2013

Miisaaniyada 2013: Halkee Wax Ku Haboon Yihiin?

Qalinka: Hamse Haaji Mohamed (Rantiisi) BA Economics

 

Ilaaha Muxamed samo ku uumay ayay galadi korkiisa ahaatey, Mahadnaq aan la soo koobi karin, wanaag iyo sharaf, jamaal iyo qurux, cisi iyo cadamad, raxmad iyo naxariis, Danbidhaaf iyo towbad aqbal Allaha Qaniga ah ee ay u sugnaatay ayaa iska leh.

Akhristayaal sida aydun maqaalkeygii hore kaga dheehateen waxa aan kaga Hadley miisaaniyadii 2012kii iyo sida ay u faahfaahsanayd (in detail), meelihii dakhli kordhinta ( increasing revenue) iyo dakhli yarayntuba (decreasing revenue) ka timid, mashaariicdii horumarineed (development projects) ee ku jiray iyo sida ay uga dhex-muuqatay nolosha dadka.

 

Haddaba sidii aan hore idiinku balan-qaaday waxa aan Halkan idiinku soo gudbinayaa miisanayada 2013ka ee dhowaan golaha wakiiladu ansixiyeen.

Meelaha aan ku amaanayo wasiirka maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale waxa ka mida, xiliggii uu dastuurku dhigayay (qodobka 55aad farqadiisa 1aad) in lagu horgeeyo miisanayada Qaranka golaha wakiilada waa uu ku guulaystay.

 

Sidoo kale miisaaniyada dowlada Dhexe  oo tiradeedu dhan tahay  750, 000,000,000 Sl una dhiganta $ 125, 000,000 waxa uu kor u qaaday 17% , miisaaniyada guud ee Qaranka oo dhan 1,114, 284,198,751 Sl una dhiganta $ 185, 714,013 waxa uu kor u qaaday 40%.

Haddaba inkasta oo miisaaniyada sanadkani ka badantahay tii sanadkii hore, haddana farqiga u dhexeeya waxa ay ahayd inay intaasi ka badato maadaama korodhsiimo xaga cashuuraha ah la sameeyay (Tax Addition).

Akhristow aan kuu iftiimiyo farqiga u dhexeeya labada miisaaniyadood ( 2012 & 2013) ee bal ila eeg shaxdan hoose:

 

Miisaaniyadda 2013ka:

1.      Dawlada Dhexe                                              SL 750, 000,000,000

                                                                           $ 125, 000,000

2.      Hay’adaha Madaxa Banaan   

 

No comments: