09 January, 2013

Ciise Xamari Oo Bayd Gabay Ah Oo Ku Jiray Silsiladii Xaydh-Dha Ugu Jawaabay Cabdirahmaan Ciro

“Nin Hungurigiisa Wixii Galay Hiifay Waa Qalade, Hareerbuu Iskaga Weeciyaa Waxaan Haboonayne”

 

Hargeysa, January 8, 2013 (Haatuf) - Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka ciise xamari ayaa munaasibad uu shalay ka hadlayey ku soo qaatay baydh gabay ah oo ku jiray silsiladii xaydh-dha, kaas oo sida loo fahmay uu ku daba socday ama uu ugu jawaabayey dhaliilo uu dhawaan komishanka u soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan ciro.

 

Horaantii todobaadkii ina soo dhaafay cabdilaahi ciro waxa uu dhaleeceeyey komishanka doorashooyinka iyo qaabkii ay u maamuleen doorashadii golayaasha deegaanka ee November 2012. Hadaba khudbad uu ciise xamari ka jeediyey xaflad shalay lagu qabtay Ambassodor Hotel oo komishanku shahaado ku gudoonsiinayey shirkadda soo daabacday waraaqihii codbixinta ee Smith & Ouzman, waxuu deedafeeyey eedaymo loo soo jeediyey komishanka inay gabeen hawshoodii xiligii doorashada golayaasha deegaanka. Ciise Xamari oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Komishanka doorashada qaranku wuxuu ku adkaysanayaa oo uu leeyahay doorasho wacan ayaa inoo qabsoontay. Khaladaad yaryar oo la xidhiidha qaabkii loo yeedhiyey natiijada doorashadii degmada Hargeysa wuu dhacay, taas oo ku timid culays siyaasadaysan oo komishanka ka dedejiyey hubsiimadii ay ku samayn lahaayeen natiijadii hordhaca ahayd”.

 

Gudoomiyaha komishanku wuxuu arintaasi u sibir saaray inay ka timid shir saxaafadeed lagu qabtay imperial Hotel Hargeysa, kaas oo uu ku tilmaamay in ujeedadiisu ahayd in dadka la kiciyo. “Komishanka doorashada qaranku marnaba ma qaadanayo in la eedeeyo natiijadii doorashada ee dhacday oo maanta ay ku fadhiyaan dalka oo dhan xildhibaanadii cusbtaa ee ka soo baxay ururada”. Gudoomiyaha Komishaku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu aanay wax faragalin ah ku samayn doorashada balse ay ka soo baxday waajibaadkii ka saarnaa xag nabadgalyo iyo dhaqaaleba, isagoo ka hadlaya dhaliilahaasi loo soo jeediyey doorashada Ciise Xamari waxa uu yidhi “Cida duraysa doorashadii, dhamaantood xisbiyada iyo ururada ka soo baxay waxay ku faddiyaan kuraastii ay ka heleen doorashadii golayaasha deegaanka. Silsiladii Xaydha-dha  ee ay soo qaateen xisbiyada qaarkood waxa ku jirtay bayd odhanaya “Nin wixii hungurigiisa galay hiifay waa qalade, hareerbuu iskaga weeciyaa waxaan hoobayne, hadii uu hogseeg-yahay, maxaad uga habroon wayday”.  

 

No comments: