25 December, 2012

Xilwareejintii Ramaax+khudbadii uu jeediyey+yuuse duray ama u duur xulay

Xilwareejintii Ramaax+khudbadii uu jeediyey+yuuse duray ama u duur xulay

Berbera - Gudoomiyahii hore ee Gobolka Saaxil Ramaax Cali Hayste ayaa maanta si rasmiya u wareejiyey xilkii Badhasaabnimo, Wuxuuna madashii xil wareejinta ka jeediyey khudbad taariikhiya oo badhkeed uu ku duray masuuliyiin ka tirsan xukumada Siilaanyo balse isku beel ka soo jeedaan,kuwaas oo u tirinaayo inay siyuun ugu lug lahaayeen xilka qaadistiisa.

Madashii xil wareejinta Ramaax waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Caraale Duur, Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo wasiir ku xigeenka Amniga iyo Masuuliyiin kale oo ka tiirsan golaha xukumada Siilanyo iyo Gobolka Saaxilba.

Ramaax wuxuu xilka qaadistiisa ku mesaalay ama ku xidhiidhiyey xilka qaadistii Khaalid binu Waliid waqtigii asxaabta isagoo arintaa ka hadlaayana wuxuu yidhi "Khaalid binu waliid markii xilka laga qaaday ummad badan oo Islaama iyo 120 kun oo ciidana ayuu xukumayay Asxaabtii oo dhami way yaabtay, iyadoo ciidankii baxayo oo diyaar yahay ayaa Khaalid xilkii laga tiriyay, halkaana xikmad Rabaani ah baa ku jirta, Nebiguna goobjoog buu u ahaa, bedelka Ramaaxna Berbera waxba u noqon maysaan leeyahay.

Dhinac kale wuxuu sheegay in xilka qaadistiisu dhinac ka metesho maalintii Cabdillaahi Xaaji-siciid la dilay, wuxuuna isagoo arintaas ka hadlaaya Yidhi "markii maxkamadda loo qaadayay intii aan la qabanin, ayaan Geed ku yaala taliska ciidanka Burco anigoo gaadhi qurux badan wata idhi soo fuul, wuu iga diiday inaan qaado, isagoo ogaa in la dilayo ayaa wuxuu igu yidhi aabahay salaam iga gaadhsii halkaa aan imika fadhiyo markay laygu yimaado in Ilaahay ii naxariisto iigu soo duceeya, markii maxkammadii dhammaatay waa la qaaday, waxaana lagu yidhi maxaad weydiisanaysaa maxkamadda? Wuxuu yidhi intaan cadayanayo iyo intaan laba sunne ah tukanayo, intaasaan idin weydiisanayaa qisadaa wxaaan uga jeeda bedelkaygu meel buu ka metelaa".

Ramaax oo ka hadlaya bedelkiisa iyo sida uu u arko, waxa uu yidhi "Bedelkaygu waxa kale oo uu metelaa Nebi Yuusuf, ku dheeraan maayee waxaan leeyahay Ceel dalam ku sii kii dadka u xigay, taana waxaan u dhaafayaa cidkastoo wax fahmaysa..Berberi waa Berbera, Saaxilna waa Saaxil, taariikhdu way qorantahay, qalinku wuu qalalay, waxaa weeye kuwaan layliga baran ee aan farad-fuulka aqoon ee baradka siyaasadda ku jira, Berbera laba iyo saddex daamood midna noqon mayso,Berbera maamul isku xidhan baanu ahayn, maamulka cusubna waxaan u rajaynayaa inay halkii ka sii wadaan, amaanna kuma lihi waxaannu qabanay .

wuxuuna Ramaax hadlakiisii ku soo afmeeray " Dadweynaha waxaan leeyahay Berberaay kumaan dayicin haddaan Cabdishakuur  Ciddin kaaga tegay"

No comments: