25 December, 2012

Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shacayb Maxamed Muuse U Doortay Maayarka Gabiley

Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shacayb Maxamed Muuse U Doortay Maayarka Gabiley

Maayarka cusub ee Degmadda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa u codeeyey 15 Xildhibaan...........

Gabiley (GNS) - Golaha Deegaanka Degmadda Gabiley ayaa goor dhaweyd Maayar u doorrtay Shacayb Maxamed Muuse oo ka soo baxay Xisbul Xaakimka Kulmiye, halka ay Maayar ku xigeenka u doorteen Cabdi Iid oo laga soo dooray Urur Siyaasadeedka Umadda. 

Maayarka cusub ee Degmadda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa u codeeyey 15 Xildhibaan, kuwaas oo si rasmi ah ugu doortay Maayarka Degmadda Gabiley. 

Maayar ku xigeenka cusub ee Gabiley Cabdi Iid ayaa waxa isna u codeeyey 12 Xildhibaan, halkaas oo uu ku noqday Maayar ku xigeenka Degmadda Gabiley. 

La soco warkan oo faah-faahsan iyo Sawiro-ba 


Gabiley News Desk 
Gabiley

No comments: