09 December, 2012

Berbera: Ciiddamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Xubin Reer Somaliland Ah Oo Ka Qayb-galay Shirkii Dastuurka Somalia

Berbera: Ciiddamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Xubin Reer Somaliland Ah Oo Ka Qayb-galay Shirkii Dastuurka Somalia
Lama oga Oto Biixi inuu ku jiri doono xabsiga oo ay xukuumaddu Maxkamadd la tiigsan doonto iyo inay...........

Berbera(GNS) - Ciidanka Laanta Socdaalka Madaarka Berbera ayaa maanta madaarkaasi ku qabtay Oto Biixi Caalin oo ka mid ahaa kooxo Muqdisho tagay wakhtigii Dawladda Cusub ee dhawaan la dhisay la soo dooranayay, waxaanay markii uu diyaarada ka soo dagay ku wareejiyeen Ciidnka Booliiska Berbera kuwaasoo xidhay. 

Wararka laga helay xadhiga Siyaasigaas ayaa sheegaya in Ciiddamadda amaanka Madaarka Berbera ay qabteen Oto Biixi Caalin isagoo ka soo degay Diyaarad ka soo duushay Muqdisho, taasoo Rakaab u siday Berbera, waxaanu ilaa hada ku jiraa gacanta Booliiska, waxaana lagu Eedaynayaa inuu qayb ka ahaa dedaaladii dib loogu dhisay Dawladda Somaliya loo dhisay.

Qabashadiisa ayuu Sarkaalkaasi ku sababeeyay inay u cuskadeen go’aankii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu soo saaray kadib markii ay dad kala duwan oo Reer Somaliland ahi u yaaceen Muqdisho, si ay xilal uga doontaan iyagoo Magaca Somaliland kaga qayb galaya. 

Lama oga Oto Biixi inuu ku jiri doono xabsiga oo ay xukuumaddu Maxkamadd la tiigsan doonto iyo inay u sii dayn doonto sida ay dad kala duwan oo Muqdisho ka soo laabtay Hargeysa iyo Goboladda Dalkaba u joogaan. 


Gabiley News Desk 
Berbera

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: