10 December, 2012

Komishanka Doorashooyinka Oo Natiijaddii Doorashada Degmadda Hargeysa U Gudbiyey Maxkamadda Gobolka

Komishanka Doorashooyinka Oo Natiijaddii Doorashada Degmadda Hargeysa U Gudbiyey Maxkamadda Gobolka
Komishanku waxa kale oo ay sheegeen in xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen.............

Hargeysa(GNS) - Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay natiijadii doorashadda deegaanka ee degmada Hargeysa ay u gudbiyaan Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex si ay uga garnaqdo cabashooyinka murashaxiinta iyo axsaabta siyaasadda. 

Komishanku waxa kale oo ay sheegeen in xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u tirinta codbixintii doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmadda Hargeysa. 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu goor-dhaweyd ka soo baxay Komishanka doorahsooyinka qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan:- 

“Gudida doorashooyinku wuxuu dadweynaha Somaliland ogaysiinayaa in doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Somaliland 28-kii November, ay dhacday si waafaqsan sharciga doorashooyinka Golaha deegaanka, iyagoo ay goob joogna ka ahaayeen wakiiladda xisbiyadda iyo goob joogeyaal caalami ah iyo kuwo gudaha. 

Komishanka Doorashooyinka qaranku wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 10/12/2012 go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii doorashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, markii uu Komishanku dib u eegis ku sameeyay natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sameeyay xogta goobaha codbixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caasimadda Hargeysa. 

Ka dib markii xisbiyadda iyo ururadda siyaasaddu ay ku heshiin waayeen dib u eegista komishanku sameeyay, waxa uu ku saleeyay natiijadda goobaha ee ay isla saxeexeen hawl wadeenadda Komishanka ee heer degmo iyo wakiiladda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda. 

Maxkamadda Gobolka ayaa ka garnaqi doonta wixii cabasho ah ee ka soo baxa xisbiyadda, ururadda iyo xisbiyadda iyo Murashaxiinta. 

Komishanku waxay kula tallinayaan axsaabta, murashaxiinta iyo dadweynaha Somaliland in Guulihii laga soo hooyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ay ka marag kaceen goob joogeyaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha inaan lagu dhaawicin khilaaf aan loo marin jidkii sharciga ahaa. 

Komishanku waxa uu mar labaad ku boorinayaadadweynaha in nabadda qaaliga ah ee Somaliland ku caano-maashay, sumcadda weyn-na ay adduunka kaga yeelatay in la dhawro.” 

Gabiley News Desk 
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: