05 November, 2012

Qiso Xanuun Badan Oo Ku Dhacday Hooyo Soomaaliye​ed.

Qiso Xanuun Badan Oo Ku Dhacday Hooyo Soomaaliye​ed.
Arrintan ayaa markii maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurta galin Karin.......

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista. 

Allaah baa Mahad u sugnaatay Mahad idilkeed Allihii ina siiyay Nimcooyin badan Adoomadiisana ku Farad yeelay inay Soo xajiyaan Adoomo farbadana ay ajiibeen yeedhmada allah Nabad galyo iyo Naxariis ha ahato Midkii ina tusay Macaanka Nolasha Midkii aqoon yano Naga Dhigay Jaahilnimadii inaga saray Muuhammed Rasuulullaahi S,C,W inta ka dib ikhwaatii fillah Waxaanu idin soo Diyaariyay 
Qiso xanuun badan oo ku dhacday hooyo soomaaliyeed qiso cajiib ah ee akhrista walaalayaal oo si fiican u akhrista. 

Dhacdadan ayaa ku dhacday qoys somaliyeed oo ku nool wadanka Australia waxaana ka shekenayo nin u kuur galay sida ay wax u dhaceen waxaa uuna ku bilabayaa shekadiisa sidan subxanallaah ufiirsada qof noolow maxaa aragtid ku laaban walaahi wax aad la yaabtaan ayaad ku arkaysaan walaalayaal ila akhrista 
Arrintan ayaa markii maqlay igu noqotay arrin layaab leh oo aan suurta galin Karin ka bacdi waxaan raadiyay sida ay wax uga jiraan arintan anoo rabo in aan ka sal gaadho in ay run tahay iyo in kale Haddab akhristayaasha sharafta lahow aniga oo baadhitaankeeyga ku soo guuleeystay in ay arrintu jirto ayaa waxaa ay dalbadeen qoyska ay arintu ku dhacday in arintooda la sheego laakiin aan marnaba warbaahinta loo gudbin magaca qoyska ayaga oo kadalbaday warbaahinta in magaca qoyska la baahin. 

Aniga oo tix galin siinaayo codsiga qooyskaas ayaa waxaa aan jecelahay in aad idin la wadaago say wax u dhaceen iyo sida ay qisadu tahay waatan ayada oo hooyada qoyskaas ka sheekaynayso ayada oo tilmaamaysa sida wax udhaceen waxay tidhi 
Modo laga joogo afar sano waxaa aan aaday in aan soo guto xajka aniga oo watay gabadh yar oo aan dhalay ee markaas ahayd sagaal jir gudashada xajka ma aha mid sahlan aniga oo dareesan in ay adag tahay in aan guto hoowlaha xajka ka bacdi markii aan tagay arliga barakaysan ee boqortooyada sucuudiga ayaa waxaa aan go,aan saday in aan gabadha uga tago qoys somaaliyeed oo aan dhaho ii sii haya inta aan xajka soo gudanayo laakiin ka bacdi waxaan go,aansaday in aan gabadheeyda ila xajiso oo aan gacanta qabsado markaan dawaafayo. 

Hooyadaas ayada oo hadalkeedii sii wadato waxaa ay tidhi ka bacdi markaan gudo galnay hoowlihii xajka ayaa waxaa iga dhuntay gabadheeydii oo aan waayay xajka waa meel ay aad u sahlantahay in lagu dhumo maxaa yeelay malaayiin ruux ayaa isugu imaanaysa qof walbana waxaa uu rabaa in uu guto waajibkaas xajka 
Iska dhaaf in aan hoowlihii xajka sii watee labo indho iskumaan keenin meel walba ayaan maray si aan uhelo gabadhii ayada oo ay ila tacaaleen qooysas badan oo somaali ah iyo howl wadeenada xajka ama shaqaalaha xajka oo adeegsaday wax walba si ay usoo helaan gabadheeydii. 

Walwalkii ayaa igu siibatay waxa aad dareemi kartaa qofkii tagaa garanayee in meeshaas ruuxii dhumaa ay adag tahay in si sahlan lagu helo qofweyn ayaa dhumayee maxaad u malayn ilma yar oo sagaal jir ah ilaahay ayaan baryay in gabadhaydii isu kaan soo celiyo aniga iyo ayada ayay tidhi hooyadii ka bacdi shaqaalihii xujayda ama sucuudiga ayaa iyidhi xaajiyo iska dhamaystiro xajkaada anagaa raadinayna gabadha ayaga oo iga qaatay gabadha sawirkeedii iyo warbixinteeda, 
Hooyada waxaa ay tidhi ka bacdi markii aan dhamaystay xajkii waxaan la xariiray doowlada sacuudiga ama kuwii ka shaqeeynayay xajka bal si aan u helo wax warbixin ah intii dadaalkooda ah way bixiyeen runtii wax aan ku dagaalo ma jirin maxaa yeelay sadex milyan oo qof ka soo dhaxsaari maayaan ilma yar way ku adkaatay intii tabartooda ahna waa dadaaleen waxay igeeyeen xarun loogu tala galay dadka dhumay dadkii markaas lagu hayay xarumahaas kuma jirin gabdheeydii waxay igu yidhaahdeen xaajiyo la xariir safaarada anaga hadaan helo warbixin ku saabsan gabadhaada waan kula soo xariiraynaa. 

Iilin iyo tiiraanyo iyo hurdo la,aan ayaa isugu kaydarsantay gabadheeydii oo maqan iyo sida ay xaaladu tahay waxaan sii joogay sacuudiga mudo sadex bilood ah si aan uhelo bal wax war ah oo ku saabsan gabadheeydii haba sheegin ayay tidhi hooyadaas ilaahay ayaan iska tala saartay waxaan go,aan saday in aan ku noqdo dhulkii aan ka imid oo ahaa wadanka Australia. 

Muddo gaaban ka bacdi ayaa waxaa ila soo xariiray wasaarada arimmaha dibadda ee wadanka Australia ayaga oo iisheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii loo heli lahaa gabadhaas ayaga iyo dawlada sacuudigu iska kaashanayaan, haduu allah yidhaahdo waxayna isiiyeen number aan marwalba la xariiro si aan uwaydiiyo bal xaal meesha uu marayo dhinaca kale waxaa aan go,aan saday in aan marwalba xajiyo si aan utago arliga sacuudiga oo qalbigayga usabarsiiyo laakiin wax war ah ha sheegin. 

Mudo sadex sano ah markay ka soo wareegtay ayaa soonkii dhawaa ayaan tagay xajkii aniga oo wareegayo oo in dhaheeyga ilmihii yare e ay qabtaanba fiiranayo ayaa waxaan arkay ilmo dhowr ah oo taagan meel ay xujaydu marayaan ilmahaas oo tuugsanayo oo kaalmo waydiisanayo ka dalbanayo xujayda inay unaxariistaan oo ay wax siiyaan. 

Ishayda ayaa ku dhacday gabadha ka mid ah dadkaas tuugsanayo alaa waa gabadhaydii ayaan af iyo labadii qabsaday mase gabadhii labada gacmood ayay go,antahay hooyo miyaad ahayn heblo hooyo miyaad ahayn gabadheeydii ufiirso waalidka naxariistiisa 
Ilmo iyo qaylo iyo oohin ayaan isku daray dhinaca kale wali aniga oo shaki igu jiro maxaa yeelay gabadha waa isbadashay oo waan garan waayay ayaa waxaa idul istaagay nin madow oo igu yidhi maxaad rabtaa? Ii siidaa gabadha anaa dhalee? Ayuu yidhi war bax ayaan idhi waa gabadheeydii aniga oo dharbaaxo adeegsaday ayaa dhacdadii waxa anagu soo xoodaansaday dadkii meesha marayay boolis ayaa yimid meeshii waanala waday dhamaantaan aniga iyo ninkii iyo gabadhii 
Xarun boolisku leeyahay ayaa nala geeyay oohin iyo in aan ku baroorto gabadhii ayaa bilaabay mucjiso la yaab leh ayaa ka dambeeysay arrintaas oo ay hooyadu sheegtay ayada oo tidhi dowlada sacuudiga waxay la xariireen meelo dhawr ah ayaga oo soo ogaaday magaca gabadha ay wadato in uu yahay magac gabadha dhuntay mudo oo hooyadeed ay dagan tahay wadanka Australia ninka madow wuxuu sheeganayaa oo uu leeyahay anaa dhalay gabadha ee ma dhalin naagtan hooyada waxay sheegtay in ninkaas uu udhashay wadanka suudaan. 

Gabadhii ayaa la wareeystay ayada oo ayna hooyadeed la joogin ayada oo tilmaantay in ay kala dhumeen ayada iyo hooyadeed ayna wayday hooyadeed ayada oo oynaysay meel cidla ah in uu ninkan gacanta ku dhigay oo uu yidhi anaa ku dhalay gacmahana uu ka jaray oo yidhi noo tuugso si aan wax kugu helo alaahu akbar yaab badanaa Gabadhii waa la qaaday waxaa lagu sameeyay ama laga qaaday DNA si loo hubsado in hooyadu ay dhashay gabadha DNA aydii waxay cadaysay in ay hooyadu dhashay gabadha hooyada waxay sheegtay in aan aado cir iyo dhul aan kala garan waayay markaan arka gabadha iyo sida ay tahay iyo sida xaal noqday ninkii suudaaniga ahaa waxay ay iisheegeen in la dili doono la khaarijin doono maxaa yeelay waxay idhaaheen wuxuu ku geestay dhulka barakaysan ee ilaahay dambi aad uwayn waxayna isheegeen in saacadaha soo socda loo gudbin doono meeshii lagu khaarijin lahaa afartan daqiiqo kabacdi anoo joogo meeshii waxaa yimid baabuur madow ninkii ayaa la saaray waana tagay abaalkiisu wuxuu noqday in la toogo waana abaal uu mutaastay ayay tidho hooyadaas 
Ka bacdi waxaan helay gabadheeydii oo gacmaha go.an aniga oo tiiraanyeeysan ayay iyidhaahdeen shaqaalihii gacanta ku hayay geeyska gabadha xaajiyo kaalay waan raacay taleefan ayay idhiibeen waxay taleefanku ku jiro nin cadaan ah oo yidhi waxaan joogaa safaarada Australia ee magaalada Riyadh asaga oo yidhi waxaa nala soo gaarsiiyay in gabadhii la helay aadna waan ugu faraxsanahay in aad gabadhaadii heshay hooyadaas waxay tilmaantay in safaarada ay hada iyo jeer la xiriir jireen dawlada sacuudiga oo ay wareesan jireen gabadha xaaladeeda laakiin sacuudiga uuna dan ka galin jirin markii la soo waco uun buu ordi jiray. 

Ma rabo in aan ku danbaabo qof muslin ah laakiin intii ay gabadha iga maqnayd aad ayay iila soo xariir jireen dowlada Australia 
Baabuur ayay la iga soo saaray aniga oo la ii soo talaabiyay aniga iyo gabdhaydii iyo laba shaqaale oo sacuudiyaan ah magaalada maka ee barkaysan ayaa nala keenay ka bacdina waxaa naloo sii talaabiyay magaalada riyadha waxaan kula kulmay nin ka socday safaarada oo isoo dhaweeyay oo yidhi waxaan gabadha ku sameeynaynaa baadhitaan waxaan sida ugu dhakhso badan ugu diraynaa wadankeedii Australia ayuu yidhi ninkaa. 

Labada maalmood ka bacdi ayaa anigii iyo gabadhaydii ka soo dhoofnay magaalada Riyadh markaan nimid Australia waxaa garoonka iigu timid naag tidhi waxana ka socdaa wasaarada ilaalinta xuquuqda ilmaha warysi ayay iga qaaday ayada oo tidhi anaga ayaa kula soo xariirayno murugo ayay igu noqotay in xaal uu saas noqdo laakiin bay tidhi hooyadaas hadaad tahay qof muslin ah aduunyadan waa lagugu imtixaami hooyada waxay sheegtay in gabadha hada loo hagaajinayo sidii gacmaha loogu badali lahaa oo ay xaalkeedu meel wanaagsan marayo maansh allah 
Arrintan ku dhacday qoyska somalida ah ilaahay khayr ha uga dhigee ayaa waxa ay sheegeen tiro ka mid ah jaaliyada somaaliyeed ee dagan magaalada ay hooyadaas dagan tahay in ayna maqal ayada oo ay go,aan sadeen reerka qoyskaas in ay iska aamusaan maadaama ilaahay usoo helay gabadhoodii caafimaadna qabto dhacdo la yaab leh ayay ku noqotay qof walba oo maqla arintan waxay tilmaameen dadka ku dhow qoyskaas in hooyada ay tahay hooyo sabir iyo iimaan badan maansha allah ilaahayna ayaa ka abaal marin doono sabirkaas iyo iimaankaas ,,,, 
Mucjiso ah ilaahay waxaan uga baryaynaa hooyadaa soomaliyeed in uu allah sabirkeega ku abaal mariyo janadiisa fardowsa subxanallaah ilaahayow naga badbaadi masaaiibta aduunka ka dhacaysa muslimiinta allahow xifdi aamiin aamiin. 
mahad allah ayaa leh. 

Siciid Cabdiraxmaan Ismaaciil 
siciid_muscab@hotmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: