27 November, 2012

Murashax Yuusuf Warsame Siciid Oo Dhagax dhigay Dhismaha Dugsi uu ka Hirgelinayo Deegaanka Caabudla

Murashax Yuusuf Warsame Siciid Oo Dhagax dhigay Dhismaha Dugsi uu ka Hirgelinayo Deegaanka Caabudla

Hargeysa (Somaliland.Org)- Murashax Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa maanta dhagax dhigay dugsi ka kooban laba fasal oo uu ka dhisayo deegaanka Caabudla ee galbeedka magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu arkay baahida dadweynaha deegaankaasi u qabaan dugsi waxbarasho.

Xafladii loo sameeyay dhagax dhiga dugsigaasi waxa ka soo qeyb galay La Taliyaha Madaxweynaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha Md. Axmed Xasan Carwo, waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Caabudla iyo qaar ka mid ah taageereyaasha Murashax Yuusuf Warsame Siciid.



Guddoomiyaha deegaanka Caabudla Mr. Cabdi Yoonis, ayaa si weyn ugu mahad celiyay Murashax Yuusuf Warsame dugsiga waxbarasho ee uu ka dhisayo deegaankaasi. Waxaanu tilmaamay inay baahi weyn u qabeen oo caruurtu ay masaafo aad u fog u lugayn jireen.

Cabdi Yoonis waxa uu bulshada ku dhaqan deegaankaasi uu u soo jeediyay inay codkooda ugu hiiliyaan Murashax Yuusuf Warsame oo ka mid ah 25-ka Murashax ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE u soo sharaxay Golaha deegaanka Caasimadda.

La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Ganacsiga iyo dhaqaalaha Md. Axmed Xasan Carwo oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhiga dugsiga waxbarasho oo uu xusay In Yuusuf Warsame u dhisayo bulshadiisa haddii uu soo baxo iyo haddii kaleba.

Axmed Xasan Carwo waxa uu dadweynaha deegaankaasi ku booriyay inay codkooda ku soo saaraan Murashax Yuusuf Warsame Siciid oo uu ku majeertay aqoon iyo waayo aragnimo qoto dheer.

Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in markii uu arkay sida deegaankaasi uga fog yihiin dugsiyadda waxbarashadu uu go’aansaday inuu u dhiso dugsi ka kooban laba fasal.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad Naqayaa dadka reer Caabudda degan. Waxa fikradda Iskuulkan igu dhaliyay markii aan ogaaday masaafadda ay carruuta yar yari Iskuulka u socdaan oo aad uga fog, ayaan is idhi haddii aad iskuulkan yar u dhisto way wanaagsan tahay,”ayuu yidhi Murrashax Yuusuf Warsame Siciid.

“Deegaanka Caabudda waa meel taariikhiya, waxaanay ka turjumaysaa umaddeena sidii aynu u xoreynay. Waa in buur kasta oo ku taalla taallo laga dhisaa,”ayuu intaas raaciyay Eng. Yuusuf Warsame.

Murashax Yuusuf Warsame oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Anigu halkan aan isku soo sharaxay oo ah Golaha Deegaanka Hargeysa halkanina waa meesha ugu galbeedaysa Hargeysa inshaalaah bariga Hargeysana waan gaadhi doonaa.”

Murashaxu waxa uu ka dalbaday dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi inay codkooda siiyaan si uu ugu soo baxo Golaha Deegaanka Hargeysa si uu wax ugu qabto bulshadda.

“Anigu waxaan isku sharaxay inaan Hargeysa u hiiliyo oo aan wax u qabto. Ma jirto wax kale oo aan ka doonayaa. Waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan yihiin ILAAHAY-na Doorashadda khayr iyo nabad-gelyo ha inoogu dhameeyo,”ayuu yidhi Murashax Yuusuf Warsame.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xubno ka mid ah odayaasha deegaankaasi oo ka waramay baahidii ay u qabeen dhisme dugsi oo laga hirgeliyo deegaankooda. Waxaanay xuseen inuu wax weyn ka tarayo horumarinta deegaankaasi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: