05 November, 2012

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Professor Axmed Ismaaciil Samatar U Magacaabay Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay Halka Cali Khaliif Galaydh Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya Dalka Maraykanka Halka Marwo Dahabo Ciise Dawlo Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya Ee Britain


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Professor Axmed Ismaaciil Samatar U Magacaabay Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Qaramada Midoobay Halka Cali Khaliif Galaydh Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya Dalka Maraykanka Halka Marwo Dahabo Ciise Dawlo Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya Ee Britain


Muqdisho (halbeegnews)– Warar aanu caawa hellayno ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Uu Seddex danjire oo muhiim ah caawa fiidkii magacaabay iyadoo seddexdaasi danjire loo kala magacaabay danjirahii xarunta qaramada midoobay, dalka maraykanka iyo dalka ingiriiska.

Warka aanu hellay ayaa tibaaxaya in Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kana mid ahaa musharaxiintii kula tartanay xilka madaxtinimada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta qaramada midoobay.

Waxaa kale oo Safiirka Soomaaliya ee dalka maraykanka loo magacaabay Cali Khaliif Galaydh oo isaguna ah xubin ka soo jeeda Somaliland wuxuu hore u noqday Ra’isal wasaarahii xukuumaddii C/qaasim Salaad Xasan ee Jibouti lagu soo dhisay, wuxuuna hormood ka ahaa shirkii Khaatumo ee lagu sameeyey kooxda la dagaalanta Somaliland ee Khaatumo State

Markii Ugu horaysay ayaa loo soo magacaabay dalka ingiriiska Safiir cusub oo Soomaaliya yeelanayso xilkaasi oo loo soo magacaabay Marwo Dahabo Ciise (Dahabo Dawlo) oo ahayd Gabadh muddo dheer la shaqaynaysay haayadaha caalamiga ah waxaana ay madax ka tahay haayad dhinaca xidhiidhka caalamiga ah ee la shaqaysa wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain waxay ka soo jeeda beelaha dega magaalada Muqdisho.

Halbeegnews, Muqdisho
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: