Waxaan madaxweyne ku xigeenka sidiiran gobolka ugu soo dhaweeyey Wasiirkas d Abiib Diiriye Nuur xildhibaanada......
Gabiley(GNS)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saak soo gaadhay magaaladaa gabiley kadib markii ay kasoo laabteen safar shaqo oo ay maalmihii udanbeeyey ku joogeen gobolka awdal,waxaan madaxweyne ku xigeenka sidiiran loogu soo dhaweeyey gobolka gabiley oo xaley laga dareemayey udiyaar garowga soo dhaweynta madaxweyne kuxigeenka s/land.
Waxaan madaxweyne ku xigeenka sidiiran gobolka ugu soo dhaweeyey Wasiirkas d Abiib Diiriye Nuur, La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Mudane Axmed Xasan Carwo, xildhibaanada aqalka baarlamaanka s/land ee gobolka gabiley kasoo jeeda. xil.c/laahi xuseen cige xil.xasan cawaale caynaan xil.cali gabiley xil.ibraahin axmed haybe. Badhasaabka gobolka axmed cali nuur duqa degmada axmed samir,xogahayah dawlada hoose ee gabiley c/raxmaan nuur abokor,taliyayaash ciidanka booliska gabiley.
Dadweynaha kudhaqan magaalada gabiley ayaa taagnaa wadada hareereheeda iyaga oo babanayey calanka s/land.boqolaala gaadiid ah oosida dadweyne tiro badan ayaa waftiga kaga hortagay degmada dil.
Markii uu madaxweyne kuxigeenku soo gaadhay magaalada kalabaydha dusheeda ayuu yara hakadey waxaan lagu soo dhaweeyey caleemo qoyan iyo astaanta gobolka gabiley ee xasiida iyo hadhuudhka waxaanu saxaafada kula hadley goobtaasi
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur waxaanu yidhi ‘’mudane madaxweyne kuxigeen kusoodhawaw umadadaadii iyo gobolkaagii kusoo dhawawa baanu ku leenahay madaxweyne dadweynaha tirada badani waxay usoo baxeen soo dhaweyntaada waxaanad ku mahadsan tahay wakhtigaaga aad nasiiisay ee aad noosoo hurtey inaad gabiley ka wardoonto,inaad dadkaaga aragto xaaladaha ayku noolyihiin iyo wax umada looqabtey iyo wax inoo yaala inaan ka qaybgalno arintuna ay ku fiican tahay wada tashigaasi’’
Waxkale oo halkaasi ka hadley maayerka magaalada gabiley axmed samir waxaanu madaxweyne ku xigeenka kusoo dhaweeyey degmada gabiley waxaanu madaxweynaha ubandhigey dhibta uu leeyahay jidka isku xidh kalabaydh iyo dil.
Waxa kale oo madaxweyne kuxigeenka kusoo dhaweeyey wasiirka warfaafinta s/land abiib diiriye nuur waxaanu yidhi ‘’mudane madaxweyne kuxigeen kusoo dhawaw gobolka gabiley oonu callemo qoyankugu soo dhaweyneyno runtii waxaa farxada noo ah inaanu halka ugu soo dhawyno oo aanu ilaa saaka todobadii subaxnimo kugu sugayney dadkaa faraha badan waxay uyimaadeen soodhaweyntaada.waa dadkii aad madaxda u ahayda waa dadkaada ka dhalatey’’
Waxkaleoo khudbad ka jeediyey madaxweyne kuxigeenka s/land c/raxmaan saylici waxaanuyidhi ‘’runtii aad baan ufaraxsanahay sida diiran eea aad iisoo dhaweyseen waadku mahadsan tihiin hadaad tihiin maxda degmada,madaxda gobolka,madaxda qaranka ee gobolka kasoo jeeda aniga oo usoo qastiyey inaan booqasho laba maalmood ah kujoogi doon gobolka,waynu iswareysani wixii la qabtey iyo wax dhiman.dhamaan shacabka faraha badan ee isoo dhaweeyey waan umahad celinayaa iyada oon maalinteenii ahaybn oon sharciga dhawreyno hada hawlaha qaranka iyo olaluhu waa kala gooni,ololahana waxan hay ninka soo baxay xisbiga kulmiye oo xaqbaan uleeyahay cishada kale ee aanan olalaha u lahayn hawlaha qaranka ayaa u kuurgaleynaa shacabka reer gabileyn aad baan uhambalyey nayaa
Waxaanu madaxweyne kuxigeenku salaadii jimcaha kula tukadey masaajidka weyne ee magaalada salaada ka dibna waxa uumasaajidka uga duceeyey dadweynaha waxaanu hadhimo sharafeed loogu sameeyey magaalada arabsiyo,waxaanu madaxweynu joogi doonaan mudo laba cisho ah.iyada oo lafilayo inuu caawa kulan la yeesho madax dhaqmeedka iyo waxgaradka gobolka gabiley .
No comments:
Post a Comment