30 October, 2012

Xisbiga kulmiye oo Munaasabad Soo Dhawayn ah u Sameeyay Masuuliyiintii Heer Gobol ee Xisbigii Burburay ee Udub ee Gobolka Gabiley.

Xisbiga kulmiye oo Munaasabad Soo Dhawayn ah u Sameeyay Masuuliyiintii Heer Gobol ee Xisbigii Burburay ee Udub ee Gobolka Gabiley.
Saleebaan Maxamed Saleebaan, C/raxmaan Cumar Ducaale iyo Maryan Xadi................

Gabiley(GNS)- Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuuliyiin kale oo Katirsan Xisbigaasi ayaa, maanta Munaasibad soo dhaweyn ah ugu qabtey Gudoomiyihii Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Saleebaan, Kuxigeenkiisii C/raxmaan Cumar Ducaale iyo Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Maryan Xadi iyo Xubno tira badan oo u badan haween kuwaas oo Sheegay in ay si rasmi ah ugu soo biireen Xisbiga Kulmiye. 
. 
Munaasibadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay Waxa goob joog ka ahaa oo ka soo qeyb galey Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,Lataliyaha Madexweynaha ee Arimaha Golayaasha Baarlamaanka 
. 
Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn hadal ka jeediyay Munaasibadaasi ayaa sheegay in aanay aheyn Kooxdan maanta kusoo biireysa Xisbiga Kulmiye Beel odhaneysa beel heblaayo ayaa ku biireysa haseyeeshee ay yihiin Masuuliyintii heer Gobol ee Xisbi weyn oo ka mid ahaa Xisbiyadii ugu awooda badnaa dalka Udub oo uu ku Sheegay Mujaahidku in uu ahaa Aasaasihii axsaabta Somaliland isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maanta Xafladan Xisbiga Kulmiye Cida ay isku biirayaan ma,aha beel ku biireysa oo odhaneysa hadaanu nahey beel heblaayo qolo Urur yar ka baxdeyna ma,aha waa labadii Xisbi eek amid ahaa Sadexdii Xisbi ee u horeeyay, oo Udub aasaasihii koowaad uu ahaa oo tiradii labadii Doorasho ee hore dalka uga qabsoomay codeyntii helay, marka la isku daro labada Xisbi codkoodu waxa uu ahaa boqolkiiba sadex iyo sideetan , taasi waxey ku tuseysaa in ay ahaayeen aqlabiyadii umada reer Somaliland oo dhan raga Xisbiga Udub ee halkan maanta ka Hadley siwanaagsan ayay u hadleen kaftan badan ayaa la jeediyay, dadkii deegaanka ayaa wada aheydeen,Waxaanu balanqaadeynaa inaydaan Xisbiga Kulmiye qariib ku noqoneynin Waxaan farayaa MaamulkaXisbiga Kulmiye ee Gobolka iyo ka garabka haweenkaba waa in laqabtaa arinkii Maryan Xadi soo jeedisay, waxaan kaga baxayaa waanu idin soo dhaweyneynaa waananu idin garaneynaa waxaad qaban kartaan iyo waxaad gashaanba milgihiina ayaanu idinku soo dhaweyneyaa”Ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. 
. 
Waxa kale oo Munaasibadaasi hadal ka jeediyay,Gudoomiyihii Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan(Madaxay) oo sheegay in uu aad uga xun yahey Burburka ku yimid Xisbigii Udub haseyeeshee, uu ku faraxsan yahey sida ay u ilaaliyeen fursada iyagu ee aanay ugu biirin Ururada cusub laakiin ay maanta la bahoobeen kuna biireen Xisbi Xukuumigii Kulmiye, Waxaanu hadalkiisa kusoo khatimay in uu Kulmiye keenay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe islamarkaana uu doonayo in uu noqdo Mustaqbalka Gudoomiyaha Gobolka. 
. 
Waxa kale oo iyaduna halkaasi kalmado kooban ka jeedisey Marwo Maryan Xadi oo aheyd Gudoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley oo Sheegtey in ay Guul u aragto ku biiritaanka Xisbiga Kulmiye ay kusoo biireen. 
. 
C/raxmaan Cumar Ducaale(C/raxmaan-dheere), oo ah Gudoomiye Kuxigeenkii Xisbiga Udub ee Gabiley oo isaguna madashaasi ka Hadley ayaa sheegay in Reer Gabiley aqlabiyad ugu codeeyeen Xisbiga ay maanta ku biiriyaan taas oo la isweydiinayo sababta ay Xukuumadii qof kaliya uga shaqaaleyn weyday xubnihii Reer Gabiley kuwii Xisbiga iyo Kuwii Shaqaalaha dulman ahaaba waxaanu usoo jeediyay Xukuumada iyo Kulmiyeba in ay ugu soo biireen sidii looga shaqeyn lahaa Hurumarka Gobolka. 
. 
Waxa kale oo halkaa iyaguna hadalo mahadnaq ah kasoo jeediyay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Sheegay in uu isaguna maalmo kasoo horeeyay Xubnahan, Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo jeediyay hadaladii soo dhaweynta iyo Mahad celinta ahaa, waxa kale oo umahad celiyay Xubnahan Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, Cuqaal tira badan, iyo Maayarka Gabiley oo hadalo kooban jeediyay cuqaal iyo Waliba maayarka magaalada gabiley. 
. 
.... 

Wariye: C/raxmaan xaaji 
Gabiley News Reporter 
Gabiley Office

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: