30 October, 2012

“Madaxwaynaha Way Adag Tahay Sida Loo Arkaa Laakiin, Waxaan Qabaa Ninka Colaada Wax Ka Tara Ayaa Nabadana Wax Ka Tara” Cali Warancade

“Madaxwaynaha Way Adag Tahay Sida Loo Arkaa Laakiin, Waxaan Qabaa Ninka Colaada Wax Ka Tara Ayaa Nabadana Wax Ka Tara” Cali Warancade
Sidoo kale Warancade ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay habacsanaan ku wajahan khatar uu...........

Hargeysa (GNS) - Musharaxii Madaxwaynaha ee Xisbigii UDUB ee ka hadhay doorashadda Deegaanka ee dabayaaqada bisha danbe la filayo inay dalka ka qabsoonto Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in shaqaalaha Ajanabiga ah ee dibadaha ka soo raaca hay’adda Somaliland ka hawlgalaa inay hortaagan yihiin shaqo abuuris badan oo wadanka ka hirgali lahay, kaas oo tilmaamay inay ku fadhiyaan shaqooyin badan oo qaybankaraan dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxay ee dalku, isla markaana xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inay shaqaalaha Ajanabiga ah ku xidho shuruudaha lagu xidho shaqaalaha Ajanabiga ah ee dunida ka hawlgala. 


Cali Warancade waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu ku shaaciyey in hay’addaha dalka ka hawlgalaa ay lunsadaan Mucaawinooyin badan oo shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyarada muwaadiniinta ah ee la daalaa-dhacaya shaqo la’aanta. 

Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada xukuumadii Rayaale Mr Cali Maxamed Warancade ayaa waxa uu sidoo kale ku bayaamiyey talooyin uu hore u waydiistey taageerayaashiisa, kaas oo sheegay inuu aqbalay talooyinkii ay u soo jeediyeen, isla markaana isaga iyo taageerayaashiisu maadaama oo uu Xisbiga UDUB ka hadhay doorashadda deegaan inay cududooda ku caawin doonaan hadba cidii ay u arkaan inay Somaliland dani ugu jirto waa sida uu hadalka u dhigaye. 

Sidoo kale Warancade ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay habacsanaan ku wajahan khatar uu sheegay inay ka soo fool-leedahay Somalia oo uu tilmaamay inay Ciidamadii ay dalka ku soo weerari lahayd inay diyaarsanayso, kaas oo tibaaxay inuu diyaar u yahay hadii uu jaanis u helo inuu Madaxwayne Siilaanyo siiyo talooyin xaga amniga ku taxaluqa. Ugu horayna isaga oo doorashadda deegaanka ee shaly bilaamay ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waanu la soconaa inuu bilaabmay maanta Ololihii doorashadda deegaanka, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inuu si nabadgalyo ah inoogu dhameeyo Insha Allaahu, runtii wadankeenu waa dal Dimuqraadi ah oo Xisbigii UDUB wakhtigii uu taladda dalka hayey waxaanu ku guulaysanay inaanu dalka ka suurto galino dhamaan doorashooyinkii loo baahnaa oo dhan, markaa waxa aanu anagu jecelnahay in sidii aanu wax u wadi jirnay ee aanu cadaalada ugu shaqaynjirnay shacbigayaga in xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo u wado, isla markaana ay qabatoo doorashooyinkii xor iyo xalaasha ahaa ee aanu dalka ka hirgalinay wakhtigayagii. Waxa dhacday in madmadow badan ay hay’adaha doorashooyinku ay galiyeen, markaa waxaan jeclahay inay Insha Allaah doorashooyinkani aanay khalkhal dalka inaga galin oo ay si nabadgalyo ah inoogu qabsoomaan”. 

Wasiirkii hore ee Duulista iyo Hawada Somaliiland Cali Maxamed Warancade mar uu ka hadlayey carqalad loo maleegay Xisbigii UDUB ee uu Musharaxa Madaxwaynaha ka ahaa, waxa uu yidhi “Anaga Xisbigayagii UDUB waa la carqaladeeyey oo hay’addaha doorashooyinka ayaa carqaladeeyey, run ahaantiina waa mid loogu talo galay oo naloogula badheedhay, hase yeeshee Musharax ahaan aniga iyo taageerayaashayduba iyo bahwayntii UDUB oo dhami waxa aanu ka tashanaynaa cidii aanu caawin lahayn ee aanu cududayada ku kordhin lahayn, iyada oo Xisbigii uu halkiisii yahay oo cidii tirtiraysaa ha tirtirto oo ha la arkee anagu aanu sidiisa ugu aqoonsanahay inuu yahay Xisbi wayn oo abaal badana ku leh ummadda Somaliland, isla markaana kala soo dabaashay Marxalado aad u ad-adag, balse doorashadda deegaanka uun ka hadhay. Markaa waxa aanu taageerayaashayada iyo bahwaynta Xisbiga u tilmaami doonaa halkii danta ummadu ku jirto, waxaanan qabnaa in bah-waynta UDUB halkii ay taageerto inay noqon doonto Xisbiga ku soo baxa cododka ugu badan. 

Mida kale Waxa jirta oo iyaduna in la xuso ay mihiim tahay in Turunturooyin badani ay horyaalaan doorashada deegaanka oo u baahan inaynu taxadir badan samayno oo waliba si cadaalad ah loo maamulo maadaama oo cadaaladu ay dadka maamusho”. 

Cali Warancade mar wax laga waydiiyey sida uu u arko qiimayntii xukuumadu isku qiimayso inay 70% inay qabatey balanqaadadeedii mudadii labadda sano iyo jarjarka ahayd ee ay taladda dalka haysay, waxa uu yidhi “Run ahaantii anigu wax badan ayaan ogahay oo mudo dheer ayaan u shaqaynayey Qaranka oo waxay qabankaraan iyo waxaanay qabankarinba waan ogahay oo wax waliba waxay ku xidhan yihiin dhaqaale, markaa aniga oo aan ka hadal waxay qabteen iyo waxa aanay qabanin waxa uu wakhtigan inala gudboon inaynu ka fikirno waxa ugu khatarsan ee imika aynu u arkayno lagama maarmaan in la qabto ama dawladu ha qabato ama shacbigu ha qabtaane waxa wakhtigan inala gudboon inaynu xuduudaheena adkayno oo aynu ka sii tasho waxaynu iskaga difaaci lahayn Somalia oo imika inaka inoo hub urursanaysa oo inagu soo maqan. Mida kale waa inaynu ka shaqayno sidii loo hagi lahaa dhalinyaro aad u tiro badan oo sanadkasta ka soo baxaya Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka oo run ahaantii aad xawli ugu soo baxaya, xaqiiqdiina markaad aragto boqolaal dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo qalinjabinaya sanadkasta waa wax aad loogu farxo oo muujinaysa dadaalka dadkeenu ay ku jiraan. Markaa arinta meesha taala ee u baahan in laga fikiro waa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa ee loo hagi lahaa kumanaanka dhalinyarada ah ee sanadkasta ka soo baxaya Jaamacadaha iyo Dugsiyadda sare oo runtii dalku u baahan yahay inay u shaqeeyaan oo cududoodu cadawga dalku ka naxayo, markaa waa in aynu arintaas iska kaashano dhamaanteen haday dawlad noqon lahayd iyo haday ganacsato noqon lahayd iyo bulshadda inteeda kale noqon lahaydba”. 

Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UDUB ee ka hadhay doorashadda deegaanka Cali Warancade mar uu ka hadlayey culays ay dalka ku hayaan Hay’addaha joogaa, waxa uu yidhi “Waxaan aad uga xumahay Mucaawinooyin badan oo dalkeena la siiyo oo shaqo abuuris lagu samaynkaro oo aan si wanaagsan loo maamulin, laakiin kaalintaas waxa inaga boobay Ajanabi Afrikaan u badan iyo Ajanabi dhalinyaro u badan oo iyaguna qaarkood ka yimaadaan Aasiya iyo Yurub-ba. Waxa jira imika Hay’ado badan oo dhaqaalihii la inagu soo caawiyey oo aad u badan dhexda u galay oo waliba hadana wata shaqaalihii u shaqayn lahaa oo dhalinyaradii Muwaadiniinta ahaa booskii ka qaaday, isla markaana aan waliba ka cilmi badnayn oo waliba ka khibrad badnayn oo waliba hadii aad qaarkood aragto aanad waxarba ku aaminteen oo ay dhalinyareeda Jaamacadaha dhamaystey ay ka Cilmi badan yihiin. 

Sharciga shaqaalaha ee dunida hadii aad eegto dalalkaas lama geeyo shaqaale ilaa dadka dalalkaasi waxay kari waayaan oo aanay aqoon u lahayn mooyaane, markaa waxaan xukuumadda iyo hay’adda shaqadaba ugu baaqayaa inay ku xidho shaqaalaha Ajanabiga ah shuruud ah kuwa ka shaqaynaya shaqada aanay dadkeenu Khibrada u lahayn mooyaane in la joojiyo dhamaan shaqooyinka ay muwaadiniintu qabankaraan oo dhan”. 

Warancade mar la waydiiyey waxa uu ka ururiyey Somalia ee uu dhawaan u shaaciyey inay dhawaan soo weerari doonto Somaliland iyo inuu arintaas kala hadlay Madaxwayne Siilaanyo iyo in kale, waxa uu yidhi “Madaxwaynaha way adag tahay sida loo arkaa laakiin waan ku jeclaa inaan arimahaas Madaxwaynaha aan kala hadlo oo aan xaga nabadgalyada talo badan ka siiyo, waayo hadii aan dhibaatadda laga hortagin ka daba tag ma laha, markaa arimaha Soomaaliya ka socdaa waa arimo khatar wayn ku ah dalkeena oo lagu damacsan yahay in la inagu burburiyo. Khatarta aan sheegayo ee inagaga soo fool leh Somalia waliba waxa ka qaybqaadanaya dalal aynu saaxiib nahay oo arintaas dabada ka riixaya oo dawladaha Carabta qaar ka mid ah ayuu ku jira oo dawladda Filibiin ayaan ka mid ah, markaa waxa inala gudboon in arintaas laga hortago oo dalalkaas dabada ka riixaya ee Carbeed loo sheego cawaaqibka ay Somaliland ku yeelanayso arimahaasi”. 

Cali Warancade mar wax laga waydiiyey sida uu u arko Magacaabista Wasiirka Dib u dajinta Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo wakhtigii dawladii Rayaale Somaliland diid ahaa oo ahaa hogaamiyihii kooxdii SSC, waxa uu yidhi “Waxaan qabaa ninka colaada wax ka tara ayaa nabadana wax ka tara oo waliba waxaan aaminsahay inuu Xaglo-toosiye yahay nin adag oo reer Somaliland oo waliba wax wayn ka tari kara colaadaha mudada ka taagnaa deegaanadda bariga Somaliland oo shalayna inaga soo horjeeday maantana Wasiir u dadkiisa, markaa anigu aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa xilkaas uu ka qabtey xukuumadda Siilaanyo, waxaanan ugu ducaynayaa inuu Alle u fududeeyo isku soo dhawaynta bulshada walaalaha ah ee deegaanadaas bariga wada degen”. 


Ugu danbayn Warancade mar uu ka hadlayey bulshadii reer Somaliland ee uu taladda waydiistey, isaga oo baaq u dirayna, waxa uu yidhi “Bulshadda Somaliland ee sharafta leh ee aanu hore taladda u waydiisay ee waliba nagula soo taliyey inaanu dalka ka ilaalino wax ala wixii dibin-daabyeynaya Qarankan, waxaanan u sheegayaa bulshadda reer Somaliland inaan taladoodii qaatey wixii imika danbeeya waxaanu ka tashanaynaa sidii aanu u difaaci lahayn dalkeena, isla markaana ninkasta oo wanaag u wada oo aanu bidno inuu lexejeclo u hayo dalka inaanu taageerno”. 


Gabiley News Desk 
Hargeysa 


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: