29 October, 2012

Hanbalyo Ku Socota Xildhibaan Roda Hassan.


Hanbalyo Ku Socota Xildhibaan Roda Hassan.

Hadaanu nahay ururka haweenka gobalka Gabilay waxaanu hanbalyo u diraynaa Roda Hassan.....

Waxaanu halkan hanbalyo iyo bogaadin uga diraynaa walaashayo Xildhibaanad Roda Hassan oo ku soo baxday doorashadii golaha deeganka ee dalka Finland siiba magaalada Turku waxa an leenahay 
hanbalyo,hanbalyo,hadaanu nahay haweenka ka soo jeeda Gobalka gabilay. 

Waxaanu Ilaahay uga baryaynaa xildhibaanada in uu ale ku asturo oo uu u fududeeyo xilka loo dhiibay noqotana tii dalkeeda iyo dalkaa doortayba ay ugu shaqayso hufnaan iyo daacadnimo. 

Rooda Xassan oon ku cusbayn masraxa siyaasada ee dalaka Findland had iyo goorna lagu xanto inaya tahay qof aad u firfircoon oo daacada waxay mudo dheer soo ahayd xildhibaan ka tirsan deegaanka Turku ee dalakaa finland.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: