04 September, 2012

Xoghayaha Guddida Dhaqaalaha Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Asbaabta Xildhibaanadu Ugu Kala Qaybsami Waayeen Ansixinta Xeerka Baanka Islaamka



Xoghayaha Guddida Dhaqaalaha Baarlamaanka Oo Ka Hadlay Asbaabta Xildhibaanadu Ugu Kala Qaybsami Waayeen Ansixinta Xeerka Baanka Islaamka


Hargeysa, September 3, 2012 (Haatuf) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay ku meelmariyay xeerka Baanka Islaamka, kaas oo in muddo ah golahaasi ku dhex wareegayay, isla markaana laba jeer lagu celiyay guddiga dhaqaalaha iyo maaliyada oo gole weynaha soo hor dhigay.
Xeerkan Baanka Islaamka oo golaha wakiiladu ay ku meelmariyeen codad aqalabiyad ah oo aanay u kala hadhin, ayaa noqonaya xeerkii kali ahaa ee aanay jirin hal mudane oo diiday ama ka aamusay, iyadoo inta badana golaha wakiiladu ay ku kala qaybsamaan codadka ay ku meelmarinayaan shuruucda iyo go’aanada ay soo saarayaan.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)oo gudoominayay fadhiga shalay oo ay ka soo xaadireen mudanayaal tiradoodu gaadhayso 50 mudane, oo fadhigaasi goluhu cod ugu qaaday xeerka Baanka Islaamka oo gole weynuhu ka dooday kalfadhigii hore, isla markaana ku kala qaybsameen cod u qaadistiisa, ayaa qodobka koowaad ee kalfadhigan 19aad oo gole weynuhu ku ansixiyay xeerkaasi Baanka Islaamka ayaanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.
Xoghayaha guud ee guddiga dhaqaalaha iyo maaliyada golaha wakiilada Md Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo iyagu guddi ahaan xeerkaasi ansaxay golaha horkeenay, oo codayntii ka dib aanu wax ka waydiinay asbaabta keentay in goleweynahoodu cod aan kala hadh lahayn ay ku meelmariyeen xeerka, iyagoo inta badan ku kala qaybsami jiray xeerarka ay meel marinayaan, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kuu sheegayaa, isla markaana aan kuu cadaynayaa waxa maanta ansaxay xeer dhaqaalaha iyo horumarka dalka qayn weyn ka qaadan doona, waxaanad ka garan kartaa go’aanka gole weynuhu ka qaatay, codadka aqalabiyada ah ee xeerka Baanka Islaamku ku ansaxay, golaha wakiiladuna iyagaa awood u leh codadka ay ku meel marinayaan xeearka iyo shuruucda aanu dajinayno, waxaanan u arkaa in xildhibaanadu xeerkan Baanka Islaamka ay ka qaateen go’aankii ugu haboonaa” Xoghayaha guud ee guddiga dhaqaalaha Md Cali Mareexaan oo aanu wax ka waydiinay waxyaalaha uga qorshaysan xeerarka kale ee guddigoodu ay gacanta ku hayso, waxa uu yidhi “Runtii waxa naga go’an sidii aanu xeerarkii hore ee aanu gacanta ku haynay-ba aanu golaweynaha ugu gudbinay inaanu xeerarka kale ee naloo soo gudbiyana aanu si dhakhso golaweynaha u horgayno si goluhu waajibkiisa uga guto, xeerar badan oo goluhu ansixiyay oo aanu diyaarinayna way jireen”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: