04 September, 2012

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Waayo-aragnimo Ugu Baanay Masuuliyiinta Ururada Ee Saaxada Siyaasada Ku Cusub,


Guddoomiyaha Kulmiye Oo Waayo-aragnimo Ugu Baanay Masuuliyiinta Ururada Ee Saaxada Siyaasada Ku Cusub,

Hargeysa (Ramaas) Sept 3, 2012 – Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa waayo-aragnimo u sheegtay masuuliyiinta ururada siyaasada ee kula tartamaya doorashada golayaasha deegaanka Somaliland ee la filayo inay dhacaan dabayaaqada sanadkan 2012-ka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka waayo-aragsan yahay ururda siyaasada ee kula tartamaya doorashada deegaanada, waxaanu kula taliyey inay doorashada uga qayb-galaan si bilaa rabshad ah.

Muuse Biixi, sidoo kale waxa uu masuuliyiinta ururada siyaasada u soo jeediyay inay bartaan hanaanka loo maamulo asxaabta iyo sida siyaasiyiinta kale loola hadlo, isaga oo sidoo kale urur siyaasadeedka XAQSOOR ka soo dhaweystay ururada kale, kuna tilmaamay mid ay is-ciyaar-garanayaan “Ururka Xaqsoor waanu is ciyaar garanaynaa oo si nadiif ah ayaanu u tartamaynaa, waayo waa urur aanu wallaalo nahay oo aanaan meelna ku kala tagaynin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin taa hore ka duwan u diraya uruada kale “Qolooyin badan oo ururada siyaasada ka mid ah waxaan leeyahay si miyir qabta ha loo tartamo oo haloo doodo”

Guddomiyaha Kulmiye waxa kale oo uu sheegay in xisbigoodu yahay odeyga asxaabta iyo ururada siyaasada isla-markaana tallada dalka gacanta ku hayo “Xisbiga kulmiye tartanka la galayo wuxuu ka yahay odayga axsaabta oo wuu ugu waayo-aragsan yahay, talladii dalkana wuu hayaa”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Qolada tartanka imika soo gashay ee aan hore waxba u qabban ee aan dalka aadka looga aqoonin, waxaan leeyahay horta soo barta sida loo maamulo axsaabta, sida loo doodo iyo erayada la isku yidhaahdo”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadalkan ka sheegay Munaasibad xisbiga Kulmiye maanta ku soo bandhigay qaar ka mid ah Musharixiinta uga tartamaya golayaasha



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: