06 September, 2012

W/Ku Xigeenka Daakhiliga Oo Sheegay In AjaanibkiiDhawaan Nabadgalyo Darada SameeyayAy Ku Dhex Dhuumanayeen Kooxo Ujeedooyin Fog, Cadayn Kari Waayayna Go’aanka Xukuumada Uga Meelyaala

W/Ku Xigeenka Daakhiliga Oo Sheegay In AjaanibkiiDhawaan Nabadgalyo Darada SameeyayAy Ku Dhex Dhuumanayeen Kooxo Ujeedooyin Fog, Cadayn Kari Waayayna Go'aanka Xukuumada Uga Meelyaala


Hargeysa, September 5, 2012 (Haatuf) – Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofew ayaa sheegay in dadkii ajaanibka ahaa ee todobaadkii hore caasimada Hargeysa rabshada ka sameeyay ee dib loogu celiyaya dalka Itoobiya ay ku dhex dhuumanayeen kooxo ujeedooyinfog lihi, waxaanu tilmaamay in dadkaasi ay ahaayeen dad sharci darro dalka ku soo galay.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Casmaan Garaad Soofe ayaa sidoo kale cadayn kari waayay go'aanka xukuumada uga meel yaala dadka kale ee sifaha sharci darrada ah dalka ku jooga.
Cismaan Garaad waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi uu shalay siiyay idaacada VOA, kaas oo uu jawaab kaga bixiyay eedo hay'ada xuquuqal iinsaanku ay uga soo jeedisay xukuumada Somaliland dadkii sharci darrada ku joogay ee todobaadkii hore lagu celiyay dalka Itoobiya ee markii hore ay ka yimaadeen. Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Dadka dib loogu celiyay Itoobiya may ahayn dad aqoonsi qaxooti haysta, balse waxay ahaayeen dad sharci darro ku joogay dalka, qof qof aqoonsi qaxooti haystay oo lagu qaladamayna waxa laga soo celiyay Wajaale, dadka qaxootiga ahna waxaa ku dhex jiray dad ujeedooyin kale leh oo ku dhex dhuumanayay, dadka dib loo celiyayna 20,000 may ahayne waa tiro boqolaal ah"
Cismaan Garaad Soofe oo wax laga waydiiyay warar sheegaya in dawlada Itoobiya ay soo codsatay in qaar ka mid ah qaxootiga reer Itoobiya ee jooga Somaliland dib loogu soo celiyo, waxa uu yidhi "Dawlada Itoobiya arrinkaasi nagaga-muu iman ee amaanka ay khalkhal galiyeen ayaa keentay dib u celintooda., anaguna ma ogin dad dawlada Itoobiya doonaysay, dadkii dhaawacmayna lama celin ee waa la dawaynayaa". Mar la waydiiyay talaabada xukuumada Somaliland uga qorshaysan dadka faraha badan ee ajaanibka sharci darrada ku jooga dalka, ayaa cadayn kari waayay mawqifka xukuumada, waxaanu yidhi "Waxaanu ka yeelayno dadka ajaanibka ah ee dalka jooga imika ka hadli maayee wakhti kale ayaanu sheegi doonaa"

No comments: