06 September, 2012

Mawqifyada Xubnaha Golayaasha Sharci-Dajinta Ee Galbeedka Burco Ay Ka Kala Istaageen Loolanka C/Raxmaan Cirro Iyo Dr Gaboose


Mawqifyada Xubnaha Golayaasha Sharci-Dajinta Ee Galbeedka Burco Ay Ka Kala Istaageen Loolanka C/Raxmaan Cirro Iyo Dr Gaboose


Hargeysa, September 5, 2012 (Haatuf) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ah hogaamiyaha ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo loolan xoog lihi uu ka dhexeeyo siyaasiga ay isku beesha ka soo wada jeedaan ee gudoomiyaha ururka Ummada Dr Maxamed Cabdi Gaboose, oo labadooduba ay ku loolamayaan sidii beesha ay u kala kasban lahaayeen kalsoonida beesha galbeedka Burco, ayaa wakhtigan xaadirkan loolankooda siyaasadeed soo gaadhay xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada kaga jira beesha galbeedka Burco sidii ay taageero ugaga heli lahaayeen labadooda urur siyaasadeed.
Beesha galbeedka Burco oo labada gole ee Baarlamaanka ay kaga jiraan 22 xildhibaan oo u kala qaybsan 15 xildhibaan oo ka tirsan wakiilada iyo 7 xubnood oo golaha guurtida ka tirsan.
Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka kaga jira beeshaasi oo aqlabiyadoodu ay  cadeeyeen mawqifka ay ku kala taageersan yihiin labada hogaamiye siyaasadeed ee beeshooda, balse ay jiraan xildhibaano mawqifkooda taageero ee labada urur siyaasadeed ee Wadani iyo Ummada aan wali kala cadayn, ayaa hadana xildhibaanada galbeedka Burco ee golayaashu waxay u kala taageereen Md Cabdiraxmaan Cirro iyo Dr Gaboose.
Xubnaha labada gole ee taageeray hogaamiyaha Wadani ayaa waxa ka mid ah:-
1. Xuseen Maxamed Cige
2. Xaashi Xuseen Caabi
3. Axmed Maxamed Nuur
4. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere)
5. Cali Xaaji Maxamed Muuse
6. Jaamac Xasan Aadan
7. C/qaadir Askar Xuseen
8. Maxamed Cali Jibriil
9. Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)
10. Siciid Cabdillaahi Yasir
11. Cumar Nuur Xasan (Waaye)
12. Ibraahim Aw Nuur Jiciir
13. Farxaan Ciise Ubaxle
14. Khadar Aadan Xuseen
Xubnaha ururka Ummada taageeray ee mawqifkooda cadeeyay, ayaa ilaa hada waxa ka mid ah:-
1. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
Xildhibaanada aan mawqifkooda cadayn ayaa waxa ka mid ah:-
1. Maxamed Saalax Cige
2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
3. Xuseen Ismaaciil Yuusuf
4. Cabdillaahi Maxamed Axmed
5. Faadumo Jaamac Ileeye.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: