12 September, 2012

Shir Jaraa'id Oo Xisbiga UDUB Qabtay Iyo Go'aamadey Ka Soo Saareen

Shir Jaraa'id Oo Xisbiga UDUB Qabtay Iyo Go'aamadey Ka Soo Saareen

Hargysa,-Gudiga fulinta Udub oo ay wehelinayeen musharaxa madaxweynaha Warancade iyo musharax ku xigeenka xisbiga Axmed Xaaji Daahir oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta xisbiga Hargeysa ayaa ku celiyey inay mar kale xisbigoodu qaadacay ka qeybgalka doorashooyinka degaanka,eedaymo waaweyn ku hurgufay gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka oo ay sheegeen in lagu balamiyey,isuna bahaysteen sidii xisbiga Udub looga reebi lahaa saaxada doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka ka dhici doonta 28ka Novenbar sida Koomishinka doorashooyinku shaaciyeen.

Gudiga Diiwaangelinta ayaa dhawaan qoraal ay warbaahinta geliyeen ku sheegay inay laaleen musharaxnimada Warancade iyo ku xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir Cilmi. Sidoo kale Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa gaashanku ku dhuftay codsi Udub u gudbisay oo daaranaa in laba usbuuc loogu daro xareynta liisaska musharaxiinta uga qeyb geli lahaa doorashooyinka degaanka iyagoo ku sababeeyay buuq iyo tash-wiish ay gudiga diiwaangelintu ku fureen musharaxiintooda,taas oo abuurtay in musharaxiintii dawladaha hoose uga qeyb geli lahayd dib u gurtaan.

Gudiga fulinta Udub iyo musharaxiintooda madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxay si wadajir uga codsadeen deeq bixiyayaasha Somaliland ka taageera arimaha doorashada inay soo farageliyaan qadiyadan taagan iyo doorashooyinka oo ay ku eedeeyeenn inaanay koomishinaka doorashooyinku dhex ka ahayn.

Isku soo wada duuboo xisbiga Udub ayaan ilaa hadda xareyn liisaska musharaxiinta uga qeyb geli lahaa doorashooyinka golayaasha degaanka iyadoo laba cisho oo keliya ka hadhsan tahay waqtigii kama danbaysta ahaa ee komishinku iclaamiyeen in lagu soo kaamilo liisaska musharaxiinta golayaasha degaanka. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: