12 September, 2012

Madaxweyne Siilaanyo Oo Wareegto Ku Dhaqan-geliyey Xeer Shaqaalaha Dawlada Ka Mamnuucaya Ka Qayb-galka Siyaasada


Madaxweyne Siilaanyo Oo Wareegto Ku Dhaqan-geliyey Xeer Shaqaalaha Dawlada Ka Mamnuucaya Ka Qayb-galka Siyaasada

Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001
Markuu arkay; Qodobka......

Hargeysa (GNS) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo xeer lagu mamnuucayo in Ciidammada. shaqaalaha dawladda, Garsoorka, Gudiyada diiwaan gelinta iyo Doorashooyinku aanay ka qeyb gali karin siyaasada isla markaana xubin ka noqon Karin ururada iyo axsaabta siyaasadda. 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanay wareegtadaasi u dhignayd sidan:- 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0: 0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan. 
Wareegto Madaxweyne 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, 

Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay: Qodobka 14aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista 
Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda 

Xeer Lr. 14/2011 

Markuu arkay: Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka 

Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001 
Markuu arkay; Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha 
Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001 

arkuu Tixgeliyey: Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka 
Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada. 
Wuxuu soo Saaray 

areegtadan Maamul oo ka reebaysa; 
Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, 

Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka; 

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed. 

2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda. 

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.” 

Gabiley News Desk 
Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: