02 September, 2012

Qaar Ka Mid Ah Nabad-diidka Khaatumo La Baxay Iyo Ninka Ugu Magacaaban Guddoomiyaha Buuhoodle Oo Shil Baabuur Dhaawacyo Halis Ahi Ka Soo Gaadheen




Qaar Ka Mid Ah Nabad-diidka Khaatumo La Baxay Iyo Ninka Ugu Magacaaban Guddoomiyaha Buuhoodle Oo Shil Baabuur Dhaawacyo Halis Ahi Ka Soo Gaadheen

Goonle(Ramaas) Sept, 1, 2012- Saraakiil ka tirsan kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo ayay maanta dhaawacyo ka soo gaadheen shil baabuur oo ka dhacay meel ku dhaw Magaalada Buuhoodle ee Somaliland.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Goonle oo dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Buuhoodle, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah dhaawacyadu ay halis yihiin, kuwaasoo markii dambe loo qaaday dhanka Magaalada Galkacyo, ka dib markii xaaladooda wax lagaga qaban kari waayay cisbitaalada Buuhoodle.

Ragga dhaawacmay waxa ka mid ah nin kooxda nabad-diidka ah ah ee Khaatumo Guddoomiyaha ugu magacaaban Magaaladda Buuhoodle, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, balse isaga dhaawaca soo gaadhay maaha mid culus sida uu saxaafada ugu sheegay markii dhaawacyada kale la geeyay cisbitaal ku yaala Gaalkacayo.

ninkani waxa kale oo uu sheegay in saraakiisha kale ee Khaatumo ay soo gaadheen dhaawacyo halis, sidaa daraadeedna ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg-deg ah.

Kooxdan shilka gashay oo u socday dhanka Magaaladda Buuhoodle, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka dhibaatada ka wada deegaanada bariga dalka, gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool

Kooxdan ayaa samaynaysay socdaal ay ku marayeen deegaamo hoostaga Buhoodle,iyaga oo doonayay in ay dadka shacabka ku dhiirgeliyaan sidii ay uga gaashan lahaayeen saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso deegamadaas,iyada oo dhaawan Buhoodle tageen masuul uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.


Ramaasnews Desk



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: