21 September, 2012

Mujaahid Cali-gurey waxuu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan....


Mujaahid Cali-gurey waxuu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan....

Hargeysa (GNS) - Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) ayaa sheegay in Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aanay la shaqan Xisbiga talada haya ee KULMIYE, balse ee ay u ololeeyaan urur siyaasadeedka WADANI. 

Mujaahid Cali-gurey waxa kale oo uu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo urur siyaasadeedka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) in saaxadda tartanka ee loo siman yahay uu kula tartamo axsaabta iyo ururada siyaasadda, isla-markaana uu ku dhaqmo Xeerarka iyo Dastuurka, waxaanu sidaas ku sheegay ay uu maanta Warbaahinta kula hadlay kulan ay maanta iskugu yimaadeen ururaddu oo ay kaga hadlayeen arrimaha doorashooyinka goleyaasha deegaanka. 


Waxaana hadlkiisii ka mid ahaa “Waxa muhiim ah si doorashaddu noqoto mid xor ah oo xalaal ah, waxaan halkan ka cadaynayaa anagu urur Waddani la yidhaahdo oo aanu haysanaa in aanu jirin in aanan haysan Guddoomiye ku xigeenkooda, in aanan haysan dadka ku jira inay yihiin urur la mid ah ururada kale oo sida ururada kale xaq noogu leh in aanu ixtiraamno waan qirayaa, laakiin waxaanu haysanaa waxa weeyaan Masuul qaran oo Xilka uu hayo aanu wax ku leenahay. Muuse Biixi Cabdi waa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xilka uu hayo waxa uu u hayaa KULMIYE, Dr Maxamed Cabdi Gaboose waa Guddoomiye urur Xilka uu hayo wuxuu u hayaa ururka uu Guddoomiyaha ka yahay, Xasan Ciise Xaqsoor-buu Guddoomiye ka yahay Xilkaas Xaqoor-buu u hayaa aniga ima hayo, laakiin Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waa Xafiis dadweyne oo Ummaddu ka dhexeeya oo waxbaanu ku leenahay Xilkaas uu hayo oo waxaanu xaq ugu leenahay in aanu ka hadalno” 

Cali-guray waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo urur siyaasadeedka WADANI ugu baaqay in saaxadda loo siman yahay uu kula tartamo axsaabta iyo ururada siyaasadda, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay la mid noqo Sharcigu-na sidaasu ku farayaa oo Dastuurku ku farayaa oo Xeerarku ku farayaan in saaxad loo siman yahay aad ka tartanto oo aad la mid noqoto Dr Gaboose, Xukuumadda oo aanu ognahay inay tahay ta ka dambaysa in awoodahan oo dhan ay siiso oo wax is-hor taaga la waayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo aanu ognahay in Wasiiradda Xukuumadda ku jiraa in aanay u shaqaynayn Xisbul Xaakimka KULMIYE ee ay u shaqaynayaan urur Dawladeedka WADANI” 

Waxaanu intaas ku daray “In laga qariyo Shacabiga maaha maanta-na Wargeysyadda wey ku qoran tahay, waxay u dhuratay Dawladda, Dawladd ku guddo-jirta, Dawladda ina xukuntaa Dawlad-bay ku jirtaa Baarlamaankeeday leedahay, Garoorkeeday leedahay qaab-dhismeedkii hay’addaha oo dhan bay ku dhamaatay cida Mashruucan ka dambaysaana waxa weeyaan Dawladdaa ku dhex-jirta Dawladda” 

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID waxa uu sidoo kale baaq u diray beesha caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka, waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa Bulshadda caalamka iyo Deeq-bixiyayaasha iyo hay’addaha caalamiga ah ee ku lug leh doorashadda goleyaasha deegaanka ee Somaliland in ay ka digtoonaadaan in deeqda ay bixinayaan ay noqoto mid wax tarkeedu ka badan-tahay waxyeeladeeda, waxaanu ognahay Cashuur bixiyaha reer Yurub ee laga soo qaado Lacagtaas in lagu hadimeeyo oo lagu baabi’yo Dimuqraadiyadda Somaliland uma soo diraan, waxaanu ognahay intaa aanu garanayno inay iyagu-na qirayaan, hadday Qaadhaan-bixiyayaasha yihiin iyo hadday hay’ddaha caalamiga ah yihiin intu-ba wey nala qirayaan in aanay cadaalada ahayn in Ninka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahi intuu urur soo samaysto Sharcigiina sameeyo, lagacata ku jirta Account-ka Golaha Wakiiladda %50 waxa saxeexa Guddoomiyaha inta Mushaharka ah marka laga saaro, isla saxeex qudha ayuu ku baxaa Shidaalka ururka WADANI iyo Shidaalka Golaha Wakiiladdu isla meel qudhaa laga qaadaa oo Guddoomiye ku xigeenkiisii-baa Maaliyadda haya” 

Mujaahid Cali-guray oo waxa uu sheegay in Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan uu taageero siiyo ururka WADANI “Wasiirka Madaxtooyadaa ku jira Raga taageersan, markaa waxaanu leenahay waar doorasho xor ah oo xaalaal ah ma wadda tartanaa oo aynu simanahay,doorashaddani waa Imtixaankii ka dhashay Xukuumaddan KULMIYE” 


Khalid Xabsi Gabiley News Reporter 
Hargeysa 
haashim555@@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: