13 September, 2012

Milatariga Itoobiya Oo La Wareegay Amaanka Deegaanadii Shacabka Lagu Xasuuqay Iyo Liyuu Booliiska Oo Lagu Amray In Aanay Cagaha Soo Dhigin


Milatariga Itoobiya Oo La Wareegay Amaanka Deegaanadii Shacabka Lagu Xasuuqay Iyo Liyuu Booliiska Oo Lagu Amray In Aanay Cagaha Soo Dhigin


“Maydka Qof Rayid ah oo shalay laga helay duleedka tuulada Cilmi Xirsi ee lagu dagaalamay”

Xarshin (Waaheen) – Dawlada Fedaraalka Itoobiya ayaa ciidamo Milatari ah oo dheeraad ah keentay degmada Xarshin ee kililka shanaad ee Somalida Itoobiya, ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay ay jiidaha Koonfureed Xarshin ay ka dhaceen dagaalo ay horseedeen Maleeshiyaadka Liyuu booliska oo dad shacab ah ku laayay tuulada Cilmi Xirsi oo ka mid ah tuulooyinka hoos tagga Degmada Xarshin

Dawlada Fedaraalka oo dedaal ugu jirta inay xal u raadiso dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Liyuu boolisku ku qaadeen shacabka deegaanadaasi, ayaa la sheegay inay Magaaladda Xarhsin keentay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo faro badan, kuwaasi oo la wareegay guud ahaan gacan ku haynta amaanka degmooyinka hoos yimaada Xarshin, iyadda oo maleeshiyaadkii dhibaatada gaystay ee Liyuu booliskana lagu amray in aanay ka soo ag-wareegin deegaanadii ay dhibaatada ka gaysteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Wargeyska Waaheen degmada Xarshin ka helay ayaa sheegay in Sarkaalka wata ciidamada Federaalka ee Xarshin la keenay doraad ka dib markii tuulada Cilmi Xirsi uu dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Liyuu booliska, ay shalay isku dhaceen Madaxa amniga Kililka Somalida Itoobiya (Ina Goole) oo doonayey inuu gaadiid iyo ciidamo faro badan oo Liyuu boolis ah keeno deegaanadii ay hore dadka ugu xasuuqeen, balse waxa la xaqiijiyey in Sarkaalka Fedaraalka ka socday uu u sheegay in dawlada Fedaraalku la wareegtay amaanka dhulkaasi, sidaa daraadeedna aanu iman karin, iyadda oo la tilmaamay in Sarkaalkani u sheegay in ciidamadiisu la dagaalami doonaan ciidanka uu Jigjiga ka soo abaabulay haddii ay degmada Xarshin iyo deegaanada hoos yimaada cagaha soo dhigaan.

Sarkaalkan oo aanay noo suurto-galin inaanu hello magaciisa, ayaa amarka uu siiyay madaxa amaanka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ku khasbay inuu ciidamadii iyo gaadiidkii uu ku soo hogaaminayey Cilmi Xirsi uu dib ugu celiyo Jigjiga, ka dib markii Sarkaalkani uu ku wargaliyey in dawlada dhexe ee Itoobiya amaanka jiidahaasi la wareegtay.

Wararka kale ee aanu ka helnay Xarshin ayaa sheegay in Taliyahan wata ciidamada milatariga Itoobiya uu hordhac u yahay Madax kale oo ka socota dawlada dhexe ee Itoobiya, kuwaasi oo ku soo fool leh halkaasi, si ay ula shiraan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka dhibaatadu ka dhacday, kuwaasi oo laftoodu ku soo qulqulaya degmada Xarshin, iyagga oo isaga kala imanaya deegaanada Cilmi Xirsi, Harta-sheekha iyo meelo kale oo badan.

Shirkan oo dawlada dhexe ee Itoobiya xal ugu raadinayso dhibaatada Liyuu boolisku ku hayaan shacabka deegaanadaasi, ayaa la filayaa inay sidoo kale ka qayb-galaan Madax ka socota kililka shanaad.

Dhanka kale, deegaan ku dhow tuulada Cilmi Xirsi oo Maleeshiyaadka Liyuu booliska dad badan ku xasuuqeen isla-markaana dagaal ku dhex maray dadka deegaanka, ayaa shalay laga helay Maydka qof rayid ah, kaasi oo la filayo inuu ka mid ahaa dadkii rayidka ahaa ee Maleeshiyaadka Liyuu Boolisku sida u kaska ah u laayeen.



Sidoo kale Wararkii u danbeeyay ee aanu ka helno dedaalada loogu jiro sidii mashaqadii ka dhacday deegaankaas loo soo af-jari lahaa ayaa sheegaya in Odayaal ka tirsan deegaanka Xarshimeed ay tageen magaaladda Jigjiga oo ay kulan kula yeesheen Masuuliyiinta Dawladda Federalka iyo Madaxda Ismaamulka Somalida Itoobiya, hase yeeshee kulankaas oo xalay laga soo dareeray wax go’aan ah oo ka soo baxay noomay suurtogelin inaanu idiin soo gudbino.

Short URL: http://waaheen.com/?p=46905 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: