13 September, 2012

Booliiska oo xidhay Mujaahidiin Agoomihii iyo Naafadii SNM ku kicinayay Xukuumadda


Booliiska oo xidhay Mujaahidiin Agoomihii iyo Naafadii SNM ku kicinayay Xukuumadda


Waxay Agoontii iyo Naafadii SNM uga baaqayeen inay iskugu yimaadaan Beerta Xorriyada


Hargeysa(Waaheen) Ciidamadda Booliiska ayaa shalay qab qabtay Sadex nin oo Mikirifoon iyo gaadhi kula dhex wareegayay magaaladda Hargeysa, kuwaasoo Agoontii iyo Naafadii SNM ugu baaqayay inay Beerta Xorriyadda isugu yimaadaan, iyagoo ku dhawaaqayay in xaqoodii la siinayo maanta.

Sadexdan Nin oo ay Booliisku ku xidheen Saldhiga Daloodho ayaa la sheegay inay ahaayeen Mujaahidiintii SNM, balse aan la garanayn ujeedada dhabta ah ee ku kaliftay inay ku kacaan falka loo xidhay, iyo cida u soo dhiibtay baaqan ay dadka ku soo kicinayeen.

Sadexda Nin ee xidhan ayaa gaadhi Taxi ah inta ay soo kiraysteen Suuqyada iyo Jidadka la dhex marayay in maanta ahaan wixii Naafo iyo Agoon ah la siin doono xaqoodii halganka isla markaana wixii dhaawac ah Qalin iyo daryeel Caafimaad loo fidin doono, balse Booliiska oo la xidhiidhay masuuliyiinya Sooyaal ayaa ka war helay inay tahay kicin iyo Borobogaando kooxdani ku doonaysay inay iskaga horkeento Dadka iyo Xukuumadda.

Ilaa hada ma cada Ujeedada dhabta ah ee Kooxdaas ku kaliftay talaabadan inay qaadaan hase yeeshee waxa la sheegayaa inay ku andacoonayaan in ay Xukuumaddu waxba uga qaban weyday arrimo ay ka codsadeen in loo qabto, gaar ahaana daryeel la’aan haysata.

Si kasta ha ahaatee Kooxdan iyo gaadhigii ay wateenba waxay ku xidhan yihiin Saldhiga Daloodho oo lagu waraysanayo.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: