13 September, 2012

Gaadhi Wiisha oo Jiidhay Maqaaxi iyo Guri dad dan yar ahi ku jireen


Gaadhi Wiisha oo Jiidhay Maqaaxi iyo Guri dad dan yar ahi ku jireen

Hargeysa(Waaheen) Gaadhi Weyn oo Wiish saaran yahay ayaa shalay galay Maqaaxi laga qaxweynayay iyo Guri Qoys Dan yar ahi deganaayeen oo ku yaal Jidka u dhaxeeya Hotelka Star iyo Ambassador.

Wiishkan oo si xawli ah ku socday ayaa ku laabay Maqaaxida iyo Guriga oo ay xiligaasi oo barqo ahayd ay fadhiyeen dhawr qof oo ka shaahynayay iyo Dumarkii shidayay Maqaaxidu hase yeeshee wax khasaare ah oo dadkaas oo gaadhay muu jirin.

Balse waxa baaba’ay Maqaaxidii oo Jiingad ahayd iyo Cariishkii Maqaaxida ahaa oo ay ku sugnaayeen dadkaasi, waxaana Wiishkii qabtay dhismayaashaas yar yare e uu jiidhay.

Qaar ka mid ah Dadkii Goob jooga ahaa ayaa yidhi “ Ilaahay uun baa bixiyay dadkaasi waydinkaa arkaya sida uu u dul maray labadaas Aqal oo ay labadaba dad ku jireen, Shaahdali waa inay shubaan, maalin kale ayuu ilaahay u dhigay Ajashooda.” Ayay tidhi gabadh Dumar ah oo la jaar ahi.

Shilka Baabuurta ayaa Hargeysa iyo Goboladda kale ee Dalka aad ugu badan waxaana sababa inta badan Gaadiidka oo aan dayactirnayn iyo Xirfad yaraanta dadka wata gaadiidkaasi, iyadoo ay u dhee tahay Jidadka oo ay intooda badani googo’an yihiin.



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: