Hargeysa(CNN)Maxkamadda Sare ee Dalka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay hadheeyeen Dacwaddo siyaasiya ayaa maanta
Go,aan kasoo Saartay Dacwad u dhaxaysay Guddiga Diiwaangalinta Ururadda siyaasadda iyo Ururaddii Hadhay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland mudane Yusuf Ismaciil Cali oo Ku dhawaaqay Go,aanka Maxkamaddu Ka gaadhay Galdacwadeedkani ayaa sheegay in Dacwadda ay usoo Gudbiyeen Ururadda Kala ah Udhis ,Jamhuuriga iyo NDP ay Maxkamadda u cadaatay inay aanay Ururadaasi Buuxin Shuruudihii Looga Baahnaa .
Go,aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa ah Mid ay Dad badani Hore u saadaalinayeen Inay sidaasi u dhicidoonta Waxaanna Dacwadii Muddada Qaadatay ee Ururadda Hadhay Maanta Kusoo Gabagabowday Waxba La,aan ku dhacday ururaddii Hadhay .
Geesta Kalenna Ururaddii Hadhay ayaan Wali Ka Hadlin Go,aanka Maxkamadda Sare manta kasoo saartay dacwadda ay hore ugu gudbiyeen ilaa iyo haddana ma jiraan warar kasoo baxay dhinaca Ururaddii Hadhay .
Saleban sahal Jamac
salosahal@hotmail.com
Caynabanews.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment