15 September, 2012

Masuuliyiin MATAANO ku Ahaa Siyaasadda oo Isdhaafsaday Weedho Xanaf Leh


Masuuliyiin MATAANO ku Ahaa Siyaasadda oo Isdhaafsaday Weedho Xanaf Leh

Hargeysa(yool)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna hoggaamiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii ka dambeysay markii ay dhanka Siyaasada kula fogaadeen is-weydaarsaday hadallo iyo weedho xanaf badan oo midba midka kale ku durayo.

Labada Guddoomiye oo waqtiyada qaarkood mataano ku ahaa Siyaasada, gaar ahaan Xisbigii UCID oo runtii ahaa Muftaaxul-farajkii dhinaca Siyaasada ee labada masuul kazoo aflaxeen, ayaa Shalay ku kulmay madal ku suntanayd Saxeexa Xeer-hoosaadka anshaxa Doorashada Goleyaasha Deegaanka, iyagoo kala metelaya masaleyaal Siyaasadeed oo kala jaad ah, waxana gebo-gebadii kulanka labada masuul isu tebiyeen dhaliilo togan oo aanay ka madhnayn laqanyo hore, kuwaasoo uu midba midka kale ku naqdinayey.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo isagu lahaa bilowga ibo-furka weedhahan xanafta badan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Xeer hoosaadka anshaxa Doorashada Goleyaasha Deegaanka, balse waxa uu carabka ku dhuftay waajibaadka ay ka filayaan in xeerku soo af-jaro, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu duray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu sheegay in uu isku hayo laba xil oo aanu Sharcigu u banayan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “..Waxaan jeclahay Saxeexa Xeerkan anshaxa Doorashada Goleyaasha Deegaanka kadib in aynu iskaga nimaado laba arrimood oo ah qodobka lixaad iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku Dastuuriyan inuu xaq u leeyahay inuu isku hayo laba xil iyo in aanu xaq u lahayn, markaa waanu soo dhaweynaynaa saxeexa xeerka laakiin far baa noo taagan. labadaa arrimood hadaan wax laga qabana waxanu ka gaadhaynaa go’aan waxanu ka yeelayno ka qeybgalka Doorashada..”.

Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa doodda Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku tilmaamay masalo la mid ah Maahmaahdii hal ku dhigeedu ahaa; ‘Hal diidaysaa Geed ay ku xoqato ma weydo’, isagoo Md. Cirro arrintaa iftiiminaya, waxa uu yidhi; “..Waxay ila tahay Ninkii Marmarsiiyo u doonaya inuu Doorashada ka hadho anniga ayuu igu marmarsoone ha iskaga hadho Doorashada, labadaa xil sifo sharci ah ayaan ku joogaa, waanan joogayaa, markaa Ninkii doonaya inuu Doorashada ka hadho ayaanu marmarsiiyo iga dhigane ha badheedho..”.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: