04 September, 2012

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Xilkii Wareejiyey, Si Cod-kar Ahna U Sharaxay Waxqabadkii Uu Ka Hir-galiyey Wasaarada Warfaafinta

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Xilkii Wareejiyey, Si Cod-kar Ahna U Sharaxay Waxqabadkii Uu Ka Hir-galiyey Wasaarada Warfaafinta
Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaalle, ayaa xafladaasi ka jeediyay.

Hargeysa (GNS) - Wasiirka cusub ee Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) iyo Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo 
Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday 29-kii Bishii hore ee August 2012. 
Xafladii loo sameeyay xil wareejintaasi oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta ayaa waxa ka soo qeyb galay Agaasimaha guud ee 
. 
Madaxtooyadda Xasan Cabdi Madar, Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaradaasi iyo Marti sharaf kale. 

Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaalle, ayaa xafladaasi ka jeediyay khudbad ku wajahnayd qodobadii u hirgalay wasaaradda mudadii uu xafiiska joogay iyo qorsheyaashii uu dhigayba. 

Md. Boobe Yuusuf waxa uu Madaxweynaha uga mahad celiyay magacaabistiisii iyo xilka qaadistiisii dambeba. Waxaanay khudbadii uu halkaasi ka jeediyay u dhignayd sidan:- 

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Asalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu,Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, marti-sharafta, shaqaalaha iyo dhammaan dadkiinna ka soo qayb-galay xafladdan bilan ee aan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejinayo, aniguna aan ku sii dallacayo ee aan ku noqonayo Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, waxaan idin leedahay soo-dhawaada” 

Md Boobe oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Madashan uma aan hollan in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan, qaarkiinna iguba hiifaan. Xaasha! Waxaan u holladay in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkayagii koobnaa, muddadii saddexda bilood ahayd ee aan halkan joogay ama aan hoggaankaba ka ahaa” 

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Marka hore Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayay gallad iyo mahadiba u sugnaadeen. Mar labaadka waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo xilkan ii igmaday bishii Maarj 14dii 2012ka, isla markaana aan la wareegay 19kii Maarj, 2012ka. Waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne kalsoonida aad xilkaa iigu dhiibtay mahad iyo abaalba waan kuugu hayaa. Qaddarin iyo qiimayn tix-gelintooda leh ayay ahaayeen. Mudane, Madaxweyne, waxa kale oo aan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadistii 29kii Ogos 2012ka oo aanan ka xumaan, bal se aan naxariis iyo naruuraba u qaatay. Iyadana waan kaaga mahad-celinayaa oo qaddarin iyo qiimaynba waan u qaadanayaa. Waxa kale oo aan qof ahaan, Madaxweyne, kaaga mahad-celinayaa qaddarintii iyo tix-gelintii aynu ku wada hawl-gallay muddadii koobnayd ee aynu wada-shaqaynaynay, taas oo salka ku haysay muddadii dheerayd ee aynu soo wada-shaqaynay ama soo wada-halgannayba, kana soo bilaabmaysay ku-sinnaan 1976kii. Afartaasi waa arar iyo dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego. Markii aan xilka tirsaday, waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u hagaajin lahayn duruufta nololeed iyo ta shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Iyada oo ay haynta iyo dhaqaaluhuba na xukumayeen, waxaanu gufaynta qabyada ku ballaysinnay in aanu horumar aan badnayn ka samaynno xaaladda nololeed ee ciidanka Wasaaradda ilaaliya oo aanu u dhisnay meelo kooban oo ay seexdaan iyo meel ay ku cunteeyaan” 
. 
Md Boobe waxa uu sidoo kale intaas ku daray “Intaa yar ka dib waxaanu bilownay in aanu nadiifinno wejiga hore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa ee foosha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada.. Intaa ka dib waxaanu qandaraas la gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda. Boqol mitir ayaanu gelinnay dhagaxii qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno albaab saddexaad iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu qorshaysannay in aanu waddada laamida iyo derbiga inta u dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno. Waxaanu ku guulaysannay in aanu tobankii mitir ee ugu horreeyay dhagaxaa qoran dhigno. Hawshan fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur. 
Muwaaddin ka tirsan ciidanka waddooyinka ee Somaliland oo ii yimid maalmahaa aanu deyrka iyo qarannimadaba qurxinaynay, ayaa igu yidhi: ”Aakhirona meel la tago lehe, horto wasaaraddii waad u fool-dhaqday.” 

Boobe Yuusuf Ducaale waxa kale oo uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu Xilka hayey, waxaanu yidhi “Tallaabaii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka mid ah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay. 

Tallaabadii taa noo xigtay waxay ahayd in aanu baahida xafiis ee jirtay awgeed kala jar jarno dhowr meelood oo aanu u aragnay in la beekhaamin karo, si shaqaaluhu xilalkooda u gutaan. Waxaanu meel u samaynay Qaybtii Tababarrada in kasta oo aanaan ka gaadhin qalabayntii. Waxa kale oo aanu Istuudiyaha TV-ga Qaranka ka dul qaadnay Qaybtii Barnaamajyada Ingiriisiga oo aanu meel u samaynay. 

Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno isla markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay. Hanbalyadeedii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waanu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan. Waxaanu ku guulaysannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani. 

E-mailladii shalay (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hirarka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii. Waa mid ka mid ah taallooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay. 

Qaybta telefishanka, markii ugu horreysay ayaanu “live” ka dhignay oo ay noo suurto-gashay in aanu toos hawada u gallo markii loo baahdo. Kharash iyo tamar aan la qiyaasi karin ayaa ku baxday. Waxa kale oo aanu ku guulaysannay in aanu dalka Holland uga soo iibinno qalabka iftiiminta iyo makrifoonno miisaankoodu dhammaa 120kg oo uu naga caawiyay Muwaadin Axmed Xaaji Barkhad, Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e’. 
Maanta oo aan halkan xilkii ku wareejinayo, waxa ka socda wasaaradda mashaariic qiimo iyo qaayaba leh oo ay maal-gelinayso Hay’adda USAID, waxaana fulinaya DAI, mashaariicdaas oo ku kacaysa lacag dhan 360,000. Ma aha mashaariic la filayo, bal se waa qaar socda, waxaanay u kala baxaan: 

1. Dibudhiska iyo qalabaynta istuudiyaha Radio Hargeysa, 
2. Dibudhiska iyo qalabaynta Istuudiyaha TV-ga Qaranka, 
3. Dibudhiska iyo qalabaynta Qolka Keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa oo ah ka ugu da’da weyn qolalka cajaladaha ee dadka Soomaaliyeed, 
4. Qol weyn oo ay fadhiistaan weriyayaasha iyo tifaf-tirayaashu, 
5. Laba xafiis oo madaxdu fadhiisato iyo laba masquulood, 
Waxa ku baxaya 67,000 Doollar, 
6. Keenidda qalab TV-ga ah oo dhan 66,000 oo Doollar, 
7. Hal baabuur oo Land Cruiser ah oo cusub oo dhan 45,000 oo Doollar, 
8. Waab-hawleedyo (Workshops) iyo tababarro shaqaalaha lagu carbinayo agabka cusub: 62,000 oo Doollar, 
9. Is-gaadhsiinta Istaraatejiga ah: 30,000 oo Doollar, 
10. Lacag dhan 59,000 oo Doollar oo xafiisyada lagu qalabaynayo, 
11. Kharashka lama-filaanka ah: 15,000 oo Doollar, 
12. Mashaariicda IOM-ta oo dhan 100,000 oo Doollar oo u kala baxaya: 
• Qolka shirarka ee shaqaalaha oo qaadaya ilaa 300 oo qof oo ay ku baxayso lacag dhan 60,000 oo Doollar, 
• Agabka ammaanka ee kamiradaha iyo digniinta (alarm) iyo dab-demiska oo ay ku baxayso lacag dhan 40,000 oo Doollar, 
Waxa kale oo intaa dheer laba Istuudiyo oo Idaacadeed oo cusub oo midna la socday Idaacadda cusub oo la rakibayba oo uu hawl-gal yahay, midna ay Wasaaradda ugu deeqday Hay’addii EDC oo keyd ahaan u yaalla. Waxa kale oo yaalla 15 Computer oo ay ku deeqday hay’adda BBC-du. 
Gebagebada sheekada waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhammaan shaqaalaha waaxyaha kala geddisan ee Wasaaradda iyo sidii naf-hurka lahayd ee ay noo la hawl-galeen, aniga oo idin ka rajaynaya in aad sidaa iyo si ka sii fiican ula shaqayn doontaan maamulkan cusub. 

Maamulka cusubna waxaan leeyahay: wixii aanu tahlaynay qalab iyo gidaar ayaanu gelinnay e’, idinkuna waxaad ku dedaashaan sidii aad horumar ugu samayn lahaydeen daryeelka iyo nolosha shaqaalaha. Waa tallaabadii labaad ee noo qorshaysneyd ee waqtigu naga soo gaadhay, ee idinku ka dhigta ahmiyadda ugu horreysa hawl-galkiinna. Haddii ay kheyraadka aadamiga ahi tabaalaysan yihiin, waxba tari maayaan kheyraadka agabku. 
Waxa kale oo aanu diyaarinnay Qorshe-hawleedkii shanta sannadood ee 2012ka ilaa 2017ka oo aanu ku salaynay Qorshaha Horumarinta ee Qaranka iyo Higsiga soddonka sannadood ee soo socda ee Qaranka. 
Ugu danbayn Wasaaraddu waxay ahayd madal ay ku mideysan yihiin: Hal-abuurka, Fannaaniinta. Murti-dhaadhiga iyo Aqoonyahanka Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Wakiillada aanu gobollada iyo dunidaba ku leenahay ayaa noo suuro-geliyay in aanu xidhiidh wanaagsan oo walaaltinnimo la yeelanno bulshada Somaliland ee kala geddisan. Waanu ka war-qaadan jirnay, waanu la talin jirnay, baahidooda iyo dareemmadooda kala duwan ayaanu baahin jirnay oo fal-celis togani ka soo noqon jiray. 
Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul. 
Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland. 
Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku astuuro hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya. Sidaasna waan ku duceeyay. Aammiin. Gobannimo dadkaa mudan, Galladdana Allayska leh,” 
Wasiirka cusub ee Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Wasiirkii hore oo si niyadsami ah xilka ugu wareejiyay. 

Wasiirka cusubi waxa kale oo uu sheegay in dad badani la soo xidhiidheen mudadii uu magacownaa isla markaana walaac ku abuureen, waxaanu yidhi “Anigu imika shantii cisho ee aan magacownaa waxa ila soo hadlay malaa Laba Boqol oo nin ayaa igu yidhi maxaad meesha ka doontay.? Waxay igu yidhaahdeen malaa madaxweynuhu markuu meesahan kuu magacaabay wuu ku dilayaa. Waayo kolayba anigu intaan xasuusan nahay illaa afar Wasiir ayaa soo marayaWasaarada warfaafinta muddo laba sanadood gudahood ah,” 

Wasiirka cusubi waxa uu intaasi ku daray “Markii aan waydiiyay ee aan idhi meesha maxaa jira waxa la igu yidhi meeshu (Wasaaradu) waa meel kadeedan oo dadka joogaa hadal uun ka shaqeeya oo kulul baa meesha jooga. Wasiir wal oo afartaas Wasiir meesha yimaadaaba waxa uu kaga tagay 30 qof oo shaqaale ah oo uu qoray. Shaqaalihiina waxay marayaan 600-700 oo qof.” 

Wasiirku waxa uu ILAAHAY ka baryay inuu ILAAHAY u fudaydiyo xilka wasaaradda, waxaanu balan qaaday inuu si cadaalad ah u Hoggaamin doono, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inay inoo hagaagto oo aan toosino wasaaradda inta aanu meesha gacanta gelino anagoo si cadaalad ah u toosino ayaa naga go’an.” 
Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka cusub ee wasaarada warfaafinta Cabdllaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inay ku dedaali doonaan inay ka shaqeeyaan horumarka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta. 

Dhinaca kale, waxa Munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf Iyo Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Siciid Aadan Cigge kuwaasi oo ka waramay waajibaadka wasaarada iyo waxyaabihii u qabsoomay. Waxaanay sheegeen inay si niyadsami ah u sii sagootinayaan Wasiirkii hore isla markaana ay Wasiirka iyo wasiir Ku xigeenka cusub soo dhawaynayaan. 



Khalid Xabsi Gabiley News Reporter 
haashim555@yahoo.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: