04 September, 2012

Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Sheegay Inuu Dalacay Musharakiina U Kordhay

Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyada Oo Sheegay Inuu Dalacay Musharakiina U Kordhay
Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Warfaafintu u.........

Hargeysa (GNS) – Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland ee dhawaan Madaxweyne Siilaantyo u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in uu dalacay Wasiirnimo, isla-markaana uu u kordhay Mushaharku. 

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Warfaafintu u baahan-tahay cilaaj, waxaanu tilmaamay inuu la yaabay buuqa mar walba ka taagan Wasaaradaasi, waxaanu sidaas ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyey Xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta. 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Anigu meeshan waxaan ka tagay iyadoo Cawaaale iyo khadar Maxamed Cakule ugu yar-yar yihiin dadka waxaanan ku soo noqday iyagoo ugu waaweyn. Maalintii idaacadu taalay garoonka Timacade Cabdi Yuusuf Ducaale iyo anigu makhsin ayaanu wada seexan jirnay laba nin oo saaxiiba ayaanu aheyn maqsinka nagu xigana istuudiyaha Idaacada ayuu ahaa.” 

Isaga oo hadalkiisii sii wata, waxa uu yidhi “Markii dambena anigoo Maayar ku xigeena ayaan halkan ka rarney 729 qoys oo dhex deganaa xeydaabka wasaaradan. Maanta labada Wasiir ee xilka wasaarada la kala wareegaya waanu u duceyneynaa. waxaynu leenahay intaas oo dhan weynu soo taagnayn,” 

Wasiir . Cukuse waxa uu sheegay in uu dalacay, isla-markaana uu Mushaharkii u kordhay, waxaanu yidhi “Aniga dad baa igu yidhi miyaad dalacday mise waad soo dhacdey way kala yara garan waayeen, waan dalacay musharkiina wuu ii kordhey, golaha wasiirrada inkasta oo aan fadhiyi jirey cod maan lahayn hadeerna cod ayaan leeyahay.” 

Wasiir Ku xigeenku waxa uu intaas ku daray “Wasaaradda Warfaafinta barigii hore waxay ahaan jirtey meel laga yaaco oo wasaaradaha maaliyada iyo Daakhiliga ayaa lagu yaaci jirey. ILAAHAY ayaab buu ii keenay oo meeshii oo Wasiiradiiba aanay ku hakanayn oo afar Wasiir marayso. Waxaan arkay iyadoo markiiba Wasiirada la bedalayo oo buuq ka taagan yahay afar iyo labaatanka saacadoodba. waxaan idhi wasaaradii ma jin ayaa galay. Cilaaj ayay u baahan tahay waynu ducaysanaynaa intaynu ducaysano ayaynu shaqada bilaabaynaa. Sidii uu Boobe inagula dar-daarmay ayaynu samaynaynaa oo cadaalad waynu u sinaaneynaa shaqaaluhuna way sinaanayaan.” 

Gabiley News Desk 
Hargeysa
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: