06 September, 2012

Agaasimahii hore ee wasaarada maaliyada SL.Oo xaqiijiyay in uu ka mid noqday xildhibaanada Somalia

Agaasimahii hore ee wasaarada maaliyada SL.Oo xaqiijiyay in uu ka mid noqday xildhibaanada Somalia

Hargaysa(Geeska)- Agaasimahii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Jaamac Axmed Maxamed ( Oday ), ayaa si rasmiya u xaqiijiyay inuu ka mid noqoday xildhibaanda Somaliya ee dhawaan la soo xulay.

Jaamac Oday waxa si adag ugu hadlay eedaynta loo jeedinaayo ee ah inuu khiyaamo ku sameeyay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka taageeray jaamacad uu sheegay inuu tagaayo, waxaanu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Somaliya.

Jaamac Oday waxa uu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu sida oo kale waraysigaas kaga hadlay arimihii ka reebay wajigii hore ee xubnaha xildhibaanada Somaliya ee uu ugu horayntiiba codsaday iyo arimo kale, waxaanu u dhacay waraysigaasu sidan.

Jaamac waxa noogu kaa danbaysay adiga oo dalbaday inaad xildhibaan noqoto balse liiskii lagaa reebay, codsigii xildhibaanimada ma lagaa aqbalay?


Waan ku guulaystay xildhibaannimadii, alle mahadiiye imikana waan ahay xildhibaan.


Waxa aad dhawaan noo sheegtay inay dagaal badan lagugu bilaabay, sidaasuna ay kaa reebtay wajigii hore ee xildhibaanada Somaliya, dagaalkaas yaa kula galay?


Kolay waxa igu soo kordhay waxay ahaayeen dad aanu saaxiibo ahayn oo shaqaynaayay ayaa maadama oo aanan wali xildhibaan noqon, waxaanay jeclaysan inaan saxaafada ka hadlo intay hawshu dhamaanayso.


Ma filaayo inuu jiray go’aan xukuumadeed oo dhanka Somaliland ka yimid inay arintaas ka danbaysay, laakiin aniga oo jecel inaan arintaas ka gaabsado haddana waa ay jirtay faragalin dhinaca Somaliland igaga timi mase doonayo inaan arintaas si faahfaahsan uga hadlo.


Waxa la sheegayaa inaad ku jirtay xildhibaano uu taageersanaa Shariifka Somaliya oo in badan uu u doodaayay arimaas ma jiraan?

Ma odhan karo cid gaar ah ayaa aniga I taageersanayd oo arintayda dabada ka riixaysay, wax qalad ahna layguma haysan, meesha layga haystayna waaban garan waayay, adigu aakhirkiina waxay noqotay in laysaga-garaabay oo waa ay iska dhammaatay, Shariifkuna si gaar ah aniga iima wadan.

Jaamac dad badan oo reer Somaliland ah waxay u arkaan inaad khiyaamo ku samaysay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo kaa taageeray inaad jaamacad tagto, adiguna waxaad tagtay meel ka soo horjeeda,arintaas maxaad iskaga difaacaysaa?

Qofka bina’aadamka ah marba xaalad buu ku jiraa, waanay jirtay inaan Siilaanyo isku fiicnayn, Siilaanyana iima soo dirsan Somaliya wakiilna iigam uu dhigan, arintaasna wax uu ka ogaa may jirin, anigana ma ahayn go’aan aan xiligaas kaga imid, balse markii dambe ayuu igu dhashay.

Horta waxa khalad ahba in la yidhaahdo waa uu khiyaameeyay waayo anigu maan ahayn diblamaasi meel u joogay, wasiirna maan ahayn ee anigu marka horeba waxaan kamid ahaa uun shaqaalaha dawlada kuwa ugu sareeya, shaqadiina waan ka tagay oo qof caadiya ayaan noqday, mana noqon karto khiyaamo oo anigu wax dhaar ah kumaan jirin, eedayntaasuna waxba kama jiraan.

Anigu qof caadiya oo reer Somaliland ah baan ahaa haddana ahay, waxaanan diyaar u ahay inaan danaha Somaliland si dhab ah ugu shaqeeyo, aniga oo aan marnaba jeclayn inaan wax lidi ku ah aan ka shaqeeyo, wada tashina waa uu naga dhaxayn doonaa aniga iyo cidii kale ee doonaysa danaha Somaliland inay ka shaqayso.

Dad badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ka qaybgalay dawlada Somaliya loo dhisaayo, wakhtigan sidaad u aragtaa xidhiidhka labada dhinac?

Xidhiidhka Somaliland iyo Somaliya haddaad wax iga waydiisay waxaan jeclahay inuu sii fiicnaado oo wada hadalkii uu sii socdo, arimaha masiirka ee wada hadalku ku saabsanyahayna go’aan fiican laga gaadho, aniguna waxan jeclahay waxii Somaliland dan u ah inaan ka shaqeeyo.

Source Geeska Afrika


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: