06 September, 2012

Maayar Jiciir oo cadeeyay inuu ka hadhay doorashada D/hoose, halkee se u diga-rogan doonaa

Maayar Jiciir oo cadeeyay inuu ka hadhay doorashada D/hoose, halkee se u diga-rogan doonaa



Hargysa,(Qaran news)-Duqa caasimada Somaliland Hargeysa ahna Gudoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa Eng.Xuseen maxamed Jiciir oo xilkaa hayey mudo toban sanadood ah awelna ku ku yimi ama ku soo galay golaha degaanka doorasho habka kala horeynta liiska magacyada ee xisbiga Udub ayaa cadeeyay inaanu mar danbe isu soo taagi doonin ama u tartami doonin xildhibaan golaha degaanka Hargeysa, xilka Maayarnimana baneyn doono inta dadku jecel yihiin ee wax lagu xasuustaa sii muuqdaan.

Maayar Jiciir ayaa ku faanay sida warfidiyeenada Qarannews ka soo xigteen in tobankii sano ee uu xilka maayarnimo hayey Hargeysa ka hirgeliyey wadooyin cusub, oo uu tibaaxay in reer Hargeysa aaminsanaayeen inaan la dhisi karin balse indhahooda oo shana uu fuliyey,sidoo kale ayuu xusay in wadooyinkii hore ee gaboobayna uu dahaaadhey ,sidoo kale wuxuu maayarku sheegay inuu sariibado cusub sameeyay.

Maayar Jiciir ayaa inkastoo dhawr jeer hujuumo adag oo Qasriga Madaxtooyada Siilaanyo daaha dabadiisa ka hagaayey lagu soo qaadey haddana lagu guulaysan in salaanka maayarnimo laga tuuro balse kursigiisa xejistay inkastoo aakhirkii isaga iyo qoyska madaxtooyadu isfahmeen oo laysla jaanqaadey.

Maayar Jiciir asbaabaha u sahlay inuu toban sanadood kursiga Maayarnimada Hargeysa fadhiyo waa lagu kala aragti duwan yahay balse waxaa laysku raacsan yahay in xildhibaanada Golaha degaanka Hargeysa oo ka kooban 25 xubnood in intooda badan aqoontooda ,khibradooda maamul iyo duntooda iyo tayadooda dadnimaba hooseyso taas oo suurtogelisay inay Maayar Jiciir kursiga ka riixi kari waayeen,aakhirkiina wuxuu Maayar Jiciir ku guulaystay inuu xildhibaanada degaanka hargeysa u kala qeybiyo koox taageerta iyo kooxu uu hangool fararo dhaadheer leh iskaga qabto hadii cid kastaa dabada ka soo riixdo.

Maayar jiciir ayaa sanad kasta safar ku taga ama ku maqnaada muddo bil ah dalweynaha Shiinaha balse cid si saxa u qeexda ujeedadu u tago halkaas la waa,sidoo kale lama hayo wax sugan oo uu soo kordhiyey safarkiisa Shiinuhu ilaa hadda,sidoo kale wuxuu sanad kasta qataa bil kale oo fasaxa oo uu ku tago dalka Ingiriiska halkaas oo qoyskiisu degan yahay.

Isku soo wada duuboo Maayar Jiciir ayaa markuu ka tago xilka maayarnimada Hargeysa la sheegay inuu sii maamuli doono Hayad ama urur uu ka yahay Gudoomiye oo ay ku bahoobeen maayaradda lixda magaalo ee ugu waaweyn Somaliland kaas oo hayad caalamiya si joogto ah uga saacido xagga kharashaadka.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: