WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO XILKII KA QAADAY WASIIRKA WARFAAFINTA
Hargeysa (CNN) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhawayd xilkii ka qaaday wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Waxaa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed hada ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxaanu u dhignaa sidan:
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No:JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012xilka kaga qaadayWasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-
UJEEDO:XIL-KA QAADIS
Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta
MUDANE,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ahWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Ibraahim Qaasim
Hargeysa-Somaliland
Caynabanews-office
Qaasin05@hotmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
29 August, 2012
WAR DEG DEG AH: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO XILKII KA QAADAY WASIIRKA WARFAAFINTA
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment