Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2aad ee baarlamaanka Somaliya oo la doortay
Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya kaddib codbixin labo wareeg ah oo ay ka qeyb galeen musharixiin badan.
Wareeggii labaad ee codeynta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa waxa u soo gudbay afar musharrax oo kale ah Jaylaani Nuur Iikar oo helay 90 cod, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo helay 58, Bashiir Maxamed Jaamac oo helay 30 cod iyo Maxamed Cabdi Xayir oo helay 30 cod.
Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in ay isku soo hareen Jaylaani Iikar iyo Cabdiweli Muudey, intaan loo gudbin wareegga saddexaad waxaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay tartanka xildhibaan Muudey, sidaas oo uu ku noqday Jeylaani Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee
baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ku guuleestay Mahdi C/dulle Cawad oo helay codadkii ugu badanaa ee
Doorsahada.
Waxaana Doorashada Wareega labaad ka tanaasulay Musharixiintii kale ee la baratameysay Mahdi C/dulle Cawad iyagoona sheegay in ay u tanaasuleen Mahad in uu noqdo Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waqtiga oo cariiri ah darted.
Doorasahdii maanta ka bilaabatay Howlka Shirarka ee Iskool Buluusiyo ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoona caawa ay Soomaaliya leedahay Gudoomiye Baarlamaan iyo Labadiisa ku xigeen.
Waxaana hada la dhaariyay Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen ,waxa uuna Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya xilkii ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanaa Soomaaliya Prof Jawaari.
Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale Xildhibaanada u mahad celiyay waxa uuna sheegay in Maalinta berito ay tahay maalin fasax maadaama la daalan yahay maalinta Qamiista ahna la kulmi doono hadana uu shirku xiran yahay.
Naga filo goor dhaw sawirada Mudanayasha baarlamaanka Soomaaliya.Doorsahada.

http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment