27 August, 2012

AGAASIMIHII HORE EE TV-GA QARANKA AXMED SALEBAN DHUXUL OO KA HADLAY XILKA QAADISTIISA IYO HADALO KASOO YEEDHAY WASIIR BOOBE .

AGAASIMIHII HORE EE TV-GA QARANKA AXMED SALEBAN DHUXUL OO KA HADLAY XILKA QAADISTIISA IYO HADALO KASOO YEEDHAY WASIIR BOOBE .





Hargeisa (CNN) Agaasimihii Hore ee Tv-ga Qaranka Somaliland Mudane Axmed Saleban Dhuxul ayaa ka hadlay Xilka Qaadistiis



uu maanta soo saaray Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalintu Mar uu Waraysi Gaara Siinayay shabakadda wararka ee Caynabanews.com.

Mudane Axmed saleban dhuxul waxa uu sheegay in aanu waxba Kala socon sababaha xilka looga qaaday balse uu maqlay in wasiirka wasaaradda Warfaafintu xilkii kaqaaday siddoo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu yidhi “ Arrintu waa sidaas aad u maqasheed , Awal horeba wasaaradda waa la wadda shaqaynayay kooxaysi aanu isagu abuurina anagu ma ogin ”

Mudane Axmed saleban dhuxul Mar aan waydiiyay Bal inay Qorshaha ugu Jirto inay dib usoo Celinayaan Idaacaddii Mucaaradka ahayd ee Radio Horyaal waxa uu Ku Jawaabay “ Marnaba xukumadda ka hor iman mayno waa taanu doonaynay waa taanu sideeda sanadood lasoo shaqaynaynay haddaanu xil hayno iyo haddii kaleba waan la shaqaynaynaa “.

Hadalkani kasoo yeedhay Agaasimihii Hore ee Tv-ga Qaranka Axmed Saleban Dhuxul waxa uu daaha ka faydayaa wadda shaqayn La,aan muddooyinkii ugu dambeeyay ka Jirtay Wasaradda Warfaafinta somaliland .

Saleban sahal Jamac

salosahal@hotmail.com

Caynabanews.com

 http://samotalis.blogspot.com/

No comments: