Hargeysa – Xildhibaanka ruug caddaaga ah ee ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ahna dadka laga qadariyo Somaliland gudaheeda Mudane Maxamed Faarax Qabille ayaa qoraal uu xafiiskiisa magaalada Hargeysa ka soo saaray wuxuu ka hadlay qaabka siyaasiga ah ee maanta uu Madaxweyne Siilaanyo dalka ugu hogaaminayo, Mudane Qabille wuxuu si qoto dheer uga hadlaya taariikho is dul barkan iyo wacdi aad u fog, haddaba qoraalkaasi oo nuxur badan huwan wuxuu Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ku yidhi sidani:
“Hiiliyoow Ha na Haleeyn
Hadeey Dhacanto Maantana
Yay Dhaliili Doonaan!!!
Aadamiga aduunkan korkiisa ku nool, mid kasta in gubtaa gurigiisa ayay hoos taalaa, bulshada reer Soomaaliland ee gudaha dalka & dibediisaba ku nool, waxaan shaki ku jirin, dhacdada sanadka ee ay ugu hadal haynta badnaayeen waxay ahayd,wada hadaladii Soomaaliland & Soomaaliya, Siiba kulankii ka dhacay Dubai UAE ee labada madaxwene Sillaanyo & Shariif ku kala saxeexdeen heshiiska 4ta qodob ka koobmaa, lagana dhawaajiyay gudi wadaxaajood oo la sheegay in si rasmi ah la isugu af gartay inay sii wadayaan wadaxaajoodka & wada hadalada Soomaaliland & Soomaaliya, gaar ahaan bulshada reer Soomaaliland waxay dhegta & Carrabkaba ku hayaan tubta & dhabaha jadiidka ah ee ay qaaday duplamaasiyada Cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo & Isbedelka Siyaasadii Arimaha Debeda ee JSL.
Si kastaba ha ahaatee Siyaasiyiinta Madaxa Banaaan, Aqoonyahanka, & Waxgaradka u Dhuun daloola arrimaha Siyaasada ayaa afkaaro & aaraa kala duwan ka bixiyay, saamaynta ay arrintani ku yeelan doonto mustaqbalka Soomaaliland, isla markaana badankoodu ku tilmaamay mid aanay qorshaha ugu jirin Shacabka Soomaaliland filitaankooda halka ay qaar kale ku tilmaamayaan qorshe lagu deg-degay oo aan aad looga fiirsan, halka xukuumaduna dhinaceeda kaga tilmaantay guul & libin siyaasadeed oo lagu talaabsaday una soo hoyatay Soomaaliland intaa waxa raaca, siyaasiyiin ka tirsan golayaasha qaranka, oo si dul ka xaadis ah mediaha uga gacan togaaleeynaya in shacbigan geliyaan taageerada ay u muujinayaan mawqifka Xukuumada,
Bal hadaba waxaan jecelahay in aan halkan ka caddeeyo Qarankan Soomaaliland waxa isku hayaa in uu yahay Sharcigii & distoorkii ay 97 boqolkiiba ay u codeeyeen isla markaana uu yahay marjaca lama huraanka ah ee loo noqonayo, waxa kale oon jeclahay inaan bulshada si hubsiimo leh u xusuusiyo in dabarkiilabada gole ay fureen oo aan u arkaayay ilduuf xog la’aaneed & waayir xirfadaysan kuna sugnaayeen hawlgalo qarsoodiya tuhun weynina ku gedaaman yahay shrci dejinta lafteedu inaaney ka dhaawac la’ayn, balse ay jirtay shukaansi xukuumadu dabada ka riixayso oo ku liqaansanaa dhexdooda, kaasoo u weydaartay labada gole ee sharci dejinta si aan lagu hawshoon , saldhigna u noqday Siyaasada maanta dhalisay shakiga iyo biyo diidka laxaadka leh.
Waxaan si Taxadir leh ugu soo dhaadhacayaa waxa arrintan uu ka qabo Distoorka qarankan Soomaaliland & xeerarkiisu & Sidoo kale Xilka iyo waajibaadka la gudboon goleyaasha & Xeer dejinta. Gaar ahaan golaha kowaad ee sharci dajinta (Wakiilada). Sida uu dhigayo qodobka 53aad kaasi oo tilmaamaya xilka & waajibaadka golaha Wakiilada HESHIISYADA CAALAMIGA AH EE SIYAASADA, BULSHADA, & DHAQAALE EE CULAYS MAALIYADEED KU SOO KORDHINAYA MIISAANIYADA AMA U BAAHAN WAX KA BEDEL SHARCI WAA WAAJIB U KHAAS AH GOLAHA WAKIILADA, LAMA HURAANA AY TAHAY IN AY KA GUTAAN WAAJIBKOODA DASTUURIGA AH. Sidoo kale wuxuu qodobkani waajibinayaa Madaxweynaha & xukuumadiisa inay horkeenaan golaha koowaad ee Xeer Dejinta, dhamaan heshiisyada Caalamiga ah ee Ku Cad qodobkan si ay uga gutaan waajibkooda Dastuuriga ah, isla markaana ansixinta, Diidmada ama Laalista ku timaada qaab aan distoorka waafaqsanayn kuwaas oo aan la’aanta xilka gudashada Golaha Wakiilada aan noqon Karin dhaqan gal.
Waxa marag ma doon ah xukuumadan oo tan & intii ay xilka qabatay gashay Heshiisyo tiro badan oo leh kuwo Siyaasadeed & kuwo dhaqaaleba, isla mar ahaantaana jidaysatay wax aan ku san banaaneeyn Distoorka & Sharciga dalka u degsan. Sidoo kale waxa aan caad innaga saarneeyn gudiga ay xukuumadani isu ansixisay kuna tilmaantay inay yihiin gudiga sharciga ah ee wada xaajoodka & wada hadalada Soomaaliland & Soomaaliya, waxa isla qodobkan 53aad uu waajibinayaa in Mudanayaasha aqalka Wakiiladu in aanay qaban karin xil labaad, ugana faa’iidaysan Karin Dan gaar ahaaneed ha noqdo mid siyaasadeed, Dhaqaale IWM. Arrintaas oo manta humaageeda & Culayskeedu uu dhexyaalo Golaha wakiilada, Caqabad weyna ku ah inay xilkii & Waajibaadkii Ummadu u Igmatay si habsami ah U gutaan . waxaa marag cad noqon karta shir gudoonka Golaha wakiilada oo Hogaamintii & Dhaqaalihii golaha Wakiilada labadaba uga faa’iidatsanaya dano Siyaasadeed oo ilaa heer urur ah xukuumadana Tuhun xoog lihi saaran yahay in uu gacansaar la leeyahay. Arimahaas oo anbiyay xil gudashadii golahan.
Sidaa awgeed maanta golaha wakiiladu wuxuu u baahan yahay samota bixin & dardar-gelin si uu u guto waajibaadkii & xilkii saarnaa ee Ummadu u soo dooratay, talaabadaas oo aan la’aanteed qarankani khatar u yahay in uu lumiyo Karaamadii qarannimo ee Shacabkani uu lahaa.
Waxaan halkan ku xusayaa qodobka 128aad ee Distoorka JSL oo u dhigan sidan hoos ku qoran:
1. Xeerkasta oo aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka.
2. Ama Distoorka Qaranka waa waxba kama jiraan
Waxa dhacdey oo ka mid ah waayaha cusub ee ka soo if baxay golaha Wakiilada JSL in ay u unkamaan Xeerarku, Si daneed oo ku talo gal leh isla markaana meel marintoodu aan loo aanayn Karin Maamul xumoda Shir gudoonka oo kaliya balse ay jiraan xubno aan tiro yarayn oo golaha kamid ah oo talo golaha debediisa ah lagu hagayo talo doceedna la leh Xukuumada & Sidigta Shir-Gudoonka. Kuwaas oo go’aankoodu uu kadhan yahay Xeer-Hoosaadka Golaha, arrintan oo maanta gelisay shacbiga JSL Rajo Xumo Ugub ah & Walaac qaro leh oon curad ahayn oo qarankan soo waajaha, isla mar ahaantaana Kalsoonidii, Qadiyadii, Geedi Socodkii & himilooyinkii qaranka ku keentay, inay u horseedo Dhaawac halistiisa leh.
Waxa kale oo aan rabaa inaan ku hakado qodobka 129aad ee Dastuurka JSL oo ah qodobka ka hadlaya Dhaarta Masuuliyiinta qaranka una dhigan Sidan: WAXAAN MAGACA EEBE KU DHAARTEY IN AAN DAACAD U AHAY DIINTAYDA ISLAAMKA, DALKAYGA JSL, MUWAADINIINTA SOOMALILANA KU DHIQI DOONO SINAAN & CADAALAD MUDADA AAN XILKA HAYO.
INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, Waxa aan aaminsanahay, marka danaysi xad gudub sharci, & Distoor Jebin intaba in la sameeyay oo ay galeen Xukuumada Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada & Qayb Mudanayaasha Golaha wakiilada ka mid ah kuwaasi oo ku can baxay danaysi gaar ahaaneed.
Sida ku cad qodobka 37aad ee Distoorka JSL golayaasha qaranku waxay leeyihiin awoodo isu dheeli tiran isla markaana kala madaxbanaan si nidaamka qaranimo loogu ilaaliyo awoodo isu misaaman (Check And Balance ) Anniga oo aan qormadan ku dhamaystirayn sida ku jidaysan distoorka qaranka geyiga Soomaaliland Bad & Barri xuduudihiisa oo ah kuwii uu xoriyadiisa kaga qaatay Boqortooyadii midawday ee Britain & waqooyiga Ireland,astaantiisa & calankiisa Tawxiidku ku daabacan yahay, karaamada qaranimada Soomaaliland cida iska leh oo ah Shacabka JSL, & Gooni isu taaga JSL in ay tahay lama taabtaan & sidoo kale dhamaan xuquuqda muwaadiniinta Jamhuuriyada Soomaaliland ETC. Waxay ku cadyihiin Distoorka Qaranka JSL & Xeersrka oo ka Farcamay, ku dhqan la’aantiisuna waa KHIYAAMO QARAN sidaa darted ma banana wax aan ka ahayn Distoorka JSL in Ummadan lagu Dhaqo kaas oo ah laguma xad gudbaan waana saldhiga laga ogaan karayo bugtada & badqabka qarankan una ah Halbeeg mugdiga inagu hareeraysan laguna qiimayn karo Dheeli & Dhawrsoonaan Mjdka aynu ku Sugan nahay, taas oo aan qabo in Distoorka oo loo noqdo laguna dhaqmaa in ay tahay dhabaha kaliya ee lagu soo celin karo kalsoonidii ummada laguna kabi karo dildilaaca sharci ee ina gaadhay.
TALO SOO JEEDIN
1. A- In goleyaasha sharci dejintu sida ku cad qodobka 48aad ee dastuurka JSL in Golayasha Sharci Dejintu Xilkooda & Waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan distoorka & Xeerarka dalka.
B- Sida ku Cad isla Qodobkan in ay u soo jeestaan xilkoodana ka gutaan Ilaalinta, Arrimaha Bulshada, Siyaasada,Dhaqaalaha, & Hogaaminta guud ee Siyaasada Dalka.
2. In iyagoo ku xisaabtamaya marxalada xasaasiga ah ee dalku galey la sameeyo kal fadhi aan caadi ahayn oo laba bilood ah kaas oo si dhab ah loogu qiimeeyo xaalada guud ee dalka si loo daboolo goldoloolooyinka si mug lehna looga dodo baylahda qaranimo ee jirta
3. Dardar gelinta sharciga & ku dhaqankiisa.
4. Qiimaynta & Waxkaqabashada xaaladaha Colaadeed ee gobolada Sool & Buuhoodleh.
5. IN xooga la saaro ahmiyad wayna la siiyo ku soo noqoshada xayndaabka sharciga kaas oo aan u arko wadada kaliya ee lagu sixi karo qalooc kasta oo siyaasadeed oo ku iman kara qaranka.
Ugu dambayn waxaan ku gaba-gebaynayaa Mar Su’aal la weydiiyey Anwar Saadaat Madaxweynihii hore ee Masaarida, Su’aashaas oo ahayd :
Hadeey Masar La heshiisay Israa’iil (Yuhuud) Carab inteedii kale ka warran?
Wuxuuna kaga jawaabay “ Bal aynu eegno Masar la’aanteed waxay Carabi Samayn karto”
(let us see what the Arabs can do without Egypty).
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxaan Leeyahay Hadii aanad lahayn anniga la’aanteey bal aan eegno waxay Soomaaliland sameyn karto. Ku soo noqo xayndaabka Sharciga kuu jideeyay inaad madaxweyne noqoto.
1. Goleyaasha sharci dejinta ku soo celi oo horkeen dhamaan heshiisyada Caalamiga ah ee xukuumadaadu gashey adoo ugu soo horeysiinaya kan Dubai UAE aad ku soo gashey ee Wadahadalka Soomaaliland & Soomaaliya sida uu dhigayo qodobka 53aad ee dastuurka JSL, si golayaasha ay khusaysaa uga gutaan waajibaadkooda qaran ee Dastuuriga ah.
2. Waxaan si nasteexo ah kuu xusuusinayaa, sida uu jidaynayu Distoorka qaranku, in aanay banaaneeyn in xilka & waajibaadka Goleyaasha Sharci-dejinta aan cid kale loo wareejin Karin, taasi waxaan uga jeedaa nidaam wadareedka adiga & Madaxda Xisbiyada qaranku in aaydinaan buuxin Karin kaalinta Golayaasha Sharci Dejinta ee distooriga ah, isla markaana Shir Gudoonada Golayaasha Sharci Dejintu in aanay Gole weynaha La’aantii in aaney fulin Karin xambaarsaneeyna awooda golyaasha, balse ay yihiin xubno hogaamineed oo ka tirsan Goleyaasha oo xeer hoosaadka goluhu sida uu xubnaha golaha u qabanayo si lamid ah uu u qabanayo iyagana taasi oo Madaxweyne aaney aqooni kuugu dhinayn adiga oo ka mid ahaan jiray goleyaasha Sharci Dejinta.
Hadaba Waxaan Madaxweyne ku lee yahay habdhaqanka noocan ahi waxa uu qarankan ku keeni karaa khal khal & jaha wareer siyaasadeed, sidoo kalana waxaan ka digayaa xubnaha ka tirsan goleyaasha sharci dejinta, ee tacliiqda & Sharaxyada ka bixinaya arrimaha aan soo gaadhin miiskoodii sharci taas oo ah ka hor deg ka dhana ama ka hor imanaysa Xilkii & waajibaadkii Saarnaa Umaddii Soo dooratayna ku ah Marin habaabin Dhaawacaysana Sharaftoodii & Karaamadii Golayaasha ay ka tirsan yihiin. RABI XAQA HA INA GARANSIIYO DHAMAANTEEN.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxaa lagagal xidhiidhi kara
Telphone: 4168889
Hargeisa
Somaliland
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment