10 July, 2012

Baarlamaanka Oo La Horkeenay Ducomentiga Heshiiskii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Sheekh Shariif Ay Qalinka Ku Wada Duugeen Iyo Go’aanadii Laga Soo Saaray Wadahadaladii S/Land Iyo Somalia

Baarlamaanka Oo La Horkeenay Ducomentiga Heshiiskii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Sheekh Shariif Ay Qalinka Ku Wada Duugeen Iyo Go’aanadii Laga Soo Saaray Wadahadaladii S/Land Iyo Somalia

Hargeysa, July 7, 2012 (Haatuf) - Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ay yeesheen loogu qaybiyay qodobadii heshiis ee ay qalinka ku wada duugeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha dawlada TFG Sheekh Shariif Axmed, kuwaas oo kulan fool ka fool ah oo ay ku wada yeesheen 28 June 2012-ka magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo fadhiga shalay gudoominayay, isla markaana ka mid ahaa waftigii Somaliland uga qaybgalay kulankii wada hadal ee Somaliland iyo Somalia ku dhex maray magaalada London, oo golaha soo hordhigay nnuxurka hashiiskii Somaliland iyo Somalia ay kala saxeexdeen iyo go’aamadii ka soo baxay wadahadaladii labada dhinac ku yeesheen dalka UK 20-kii June 2012-ka.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaasha fadhiga ka soo xaadiray shalay usoo jeediyay inay soo akhristaan, kana soo baaraan degaan go’aamada ay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia ku kala saxeexdeen kulankii ku dhex maray 28-kii June dalka Imaaradka Carabta.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa madasha fadhiga shalay ka sheegay in xeerkii kuraasida kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay fadhiga maanta ee goluhu yeelan doono in la horkeeni doono.





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: