30 July, 2012

War Deg-Dega: Shan Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley

War Deg-Dega: Shan Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley
Maydadka Shantan Qof Ayaa La Dhigay Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Gabiley Halka Labada Ruux Ee....

Gabiley (GNS)- Shan Qof Ayaa Ku Dhintay Laba Kalena Way Ku Dhaawacmeen Shil Baabuur Oo Galabta Abaara 5:00 Galabnimo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley. 

Shilkan Oo Uu Sobobay Isku Dhac Laba Baabuur Oo Kala Ah Nooca Jaadka Qaada Ee Loo Yaqaano 4.5-Ka Oo Ay Lahayd Shirkada Jaadka Ee Gaafane Iyo Baabuur Nooca Garandaha Loo Yaqaano Ah Oo Siday Dad Rakaab Ah. 

Maydadka Shantan Qof Ayaa La Dhigay Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Gabiley Halka Labada Ruux Ee Dhaawaca Ah Lagu Daawaynayo isla cusbitalkaasi Ilaa Hada Lama Garanayo Magacyada Iyo Wajiyada Dadka Maydka Ah Qaarkood Oo Aan La Aqoonsan Karin Wajiyadooda. 

Dadwayne Tiro Badan Ayaa Buux Dhaafiyey Gudaha Cusbitaalka Iyada Oo Dadwaynuhu Aad Uga Tiiraanyeysanyihiin Shilkan Naxdinta Leh Ee Galabta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Gabiley. 

Kala Soco Wixii Kasoo Kordha Shilkaasi Shabakada Wararka Ee Gabiley News. 

Guuleed Yare 
Gabiley Somaliland 
Contactgabiley@Yahoo.Com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: