30 July, 2012

Hargysa,-Saaka ayaa maxakamada sare si toos ah u gudagashey ama furtay dacwad siyaasiya

Hargysa,-Saaka ayaa maxakamada sare si toos ah  u gudagashey ama furtay dacwad siyaasiya.

Saaka ayaa maxakamada sare si toos ah  u gudagashey ama furtay dacwad siyaasiya oo ay hore ugu gudbiyeen ururadii siyaasada ee xukumada Siilaanyo ka reebtay saaxada tartanka siyaasada Somaliland siiba ururada UDHIS,NDB,Jamhuuriga iyo Horyaal oo ku qanci waayey natiijadii lagu reebay oo dacwadoodu ku foganayd gudiga diiwaangelinta ururada siyaasadda oo ay garsoorxumo iyo cadaaladdaro ka tirsanayeen.

Ururada siyaasada ee maanta madasha maxakamada gudaheeda yimi ayaa waxaa ka dhexmuuqday xubnihii ugu tunka waaweynaa hogaanka sare ee UDHIS oo aan ka xusi karno Ibraahin Dhegaweyne,Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi,dhinaca Horyaal ayaa iyana waxa ugu tun weynaa Prof.Cabdisalaan Yaasiin,halka Jamhuurigana uu goobjooga ahaa gudoomiyahooda Xildhibaan Axmed Sandoon, Sidoo kale waxaa goobta ka muuqday xubno Haweena oo ka socday NDB urur siyaaseedkii keliya ee gabadhi musharax iyo gudoomiye u ahayd ee xukumada Siilaanyo haraati danbe sudhay.Dhinaca garsoorka maxakmadana waxaa gudoominaayey gudoomiyaha maxakamada sare Yuusuf Ismaaciil cali.

Dacwadan maanta furantay ayaa u dhaxaysay urur siyaasadeedka UDHIS iyo Gudiga diiwaangelinta ururada siyaasada oo ah kuwa laga cabanaayo garsoorxumadooda oo aan maxakamada gudaheeda joogin balse uu metelaayey garyaqaanka xukumada Siilaanyo Ibraahin Iidle oo ururada siyaasada ee dacwadoodu maxakamada ku jirtaa ku doodayeen inaanu xaq u lahayn inuu difaaco Gudiga diwaangelinta ururada siyaasada maadabay yihiin hayad ka madaxbanaan xukumada Siilaanyo sida xeerkoodu xusaayo,garyaqaankuna xaqdaro ku doodaayo balse gudoomiyaha maxakamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa gaashaanka ku dhuftay dalabka ama doodii ururadu siyaasadu ku diidanayeen in garyaqaanka dawladu difaaco gudiga diwaangelinta ururada siyaasada.Urur siyaaseedka la reebay ee UDHIS ayaa waxaa u doodayey Garyaqaan Mustafe Mahdi.

Isku soo wada duuboo xubnihii metelaayey afarta urur siyaasadeed ee HORYAAL,JAMHUURIGA,NDB iyo UDHIS ee xukumada Siilaanyo jalaafada u dhigtay iyagaan tartan doorashaba gaadhin ayaa isku raacey in badheedh,cadaalad darro iyo garsoor xumo lagu reebay ,haddana nidaamka dalka u yaala ay marayaane ayna wax cadaalad ah ka filayn Siilaanyo balse ka warsugi doonaan fiirana u yeelan doonaan qaraarka maxakamada sare ka gaadho garnaqsigooda.garnaqsiga ama dacwada maanta la furay ayaa waxaa doodeeda lahaa Uruka UDHIS.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: