DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-4
DHAQAALAHA IYO HORUMARKA BULSHADA.
Mawduucan oo ah mid aad u ballaadhan weliba dhinaca Sacuudiga ah badweyn
oon gunteeda la gaadhayn waxaan idinku soo koobi doonaa aragti-shinbireed aad u
kooban. Waxaan abaari hadafka bulsho ka leedahay kobcinta dhaqaale oo ah
horumarinta bulshada dhaqan iyo dhaqaalaba.
Tilmaan kooban aan u soo qaato halkaan aqaanay iyo shaqadeydii.Sharkadda
SABIC oo ahayd tii lahayd shirkaddaan ka shaqayn jiray ee ARRAZI, waxay
macaashkeedu ahaa 1991 laba bilyan oo sucuudi riyaal ah, halka 2011 uu noqday
29 bilyan, iyadoo iibisay badeecad gaadhaysa 190 bilyan SR hantideeduna tahay
333 bilyan SR ( Total Assets). Intiina jecel cabirka doolarka Maraykan sarifku
waa 3.75 SR halkii doolar. Tilmaantaas waxa aad ka dheegan kartaa xawliga
dhaqaalaha Sacuudigu ku kordhay. Haddaba aan toos ugu baqoolo gunta hadalka oo
ah siduu u bedelay nolasha dadweynaha?
Waxa aan aad ula dhacay sida loo habeeyey kheyraadka dalka iyo
shirkadaha halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka. Fikradaas oo ah mid aan aad u
aaminsanay, kuna dhisan sida ugu habboon ee kheyraadka dalka loo gaadhsiin karo
bulshosweynta waddanka. Waana fikrad ku dhisan cadaaladda bulsho. Shirkadaha
Baananka, Leydhka, Wershadaha kimikada sida SABIC, Sibidhka iwm, waxa
xukuumaddu u sameysay hab saamiyaal ah oo dadweynaha loo farsameeyo si ay ugu
iibsadaan samiyaale sicir kooban leh oo qof waliba iibsan karo. Waxa taas laga badbaadiyey
in kheyraadka dalku u gacan galo maalqabeen tiro kooban, kolkaas ayaa la
xadiday inta qofku iibsan karo iyadoo kolka hore la fadilaayo dadweynaha tirada
yar raba inay iibsadaan. Qofba qofkuu ka dalab yar yahayna laga fuudh yeelo.
Waa argti ku salaysan in la helo bulsho u soo jeeda maalgashiga oo ka guurta
lacagta barkinta hoosteeda taal een waxba soo kordhin. Waxa mudnaanta leh
danyarta rabta inay dakhligooda kooban wallow 10 doolarna ha ahaatee ayna qayb
ka helaan kheyraadka dalka.
Waxtarka ugu weyn ee ka dhashay waa iyada oo ay abuurantay sayladda
saamiyaasha ee Sacuudiga oo ay bilaabmayn shirkaddo sameeyaal ah oo nooc kasta
leh. Waana kuwa manta ay ka dhasheen horumar dhaqaale oo bulshada wada gaadhay.
Waa aragti ku dayasho mudan, waana mid ku dhisan fikrad cilmi dhaqaale
oo hubanti leh. Waana mid aan qof ahaan waligayba aaminsanaa ilaa xiligaan
jaamacadda (London School of Economics), aan u hayeyna fiiro gaar ah. Xiligaas
oo Raysal Wasaare UK Mrs. Thacher ay bilowday inay shirkadahii Telefoonada,
Gaaska, Biyaha, Dayaaradaha, IWM ay ku iibiso saamiyaal la hor dhigo dadweynaha.
Waana nidaamkii badbaadiyey dalka UK oo xiligaas ku dhowaa inuu kaco oo ay
ganata dhaqaalaha ku haysay IMF sida dalaka soo koraaya. Waxay ahayd duruus aad
u qiimo badan oon u soo joogay fikir ahaan iyo iyadoo dhab loo dabaqaayo. Waa
isla nidaamkaas kan ay ku dhaqmeyn dalalkii shuuciga ahaa ee 90kii u boqoolay
hantigoosadka sida Ruushka iyo dalaalkii Sovietka ka baxay iyo dhammaan bariga
Yurub , iyagoo ka dhigay nidaamkii Mrs Thacher mid jaamacadaha dhaqaale lagu
barto oo ah duruusta salka u ah barashada dhaqaalaha.
Tan Sacuudiguna waxuu sii adkeeyey aragtidayda la hal maasha dariiqa ugu
habboon ee dhaqaale loo kobcin karo iyadoo lagu salaynaayo cadaalad bulsho oo
kheyradka dalku gaadho tirada ugu badan ee dadweynaha ka tirsan, iyo fursad loo
siman yahay dhinaca horfumarinta dhaqaalaha dalka.
Waxa furmay in bulshadu dhammaan noqdaan dar ku xisabtama dhaqaale,
abuura shaqooyin iyo ganacsi. Waxaa bilaabmay in wax kasta oo guryaha iyo nolol
maalmeedka loogu baahan yahay lagu wershadeeyo dalka gudihiisa inta badan si
gaar ah cuntooyinka qasacadeysan, iyo dhammaan daawooyinka. Waxa la sameeyey
shirkado maal gashada beeraha iyo xoolo dhiqidda. Waxa kor u kacay dakhligii
xukuumadda oo sanadkan ay heshay cashuur iyo sako gaadhaysa 20 bilyan SR,
halkay ka ahayd wax ka yar hal bilyan 20 sano ka hor. Taas oo mecneheedu yahay
inay 20 jeer labanlaabantay. Waxaad ogaataa in cashuurta keliya ee laga qaado
muwaadinka Sacuudiga ihi yahay 2.5% sako ah, weliba cidda laga qaadaa tahay uun
shirkadaha iyo maalqabeenka waaweyn, inta kale ee bulshada ooy ugu badan yihiin
ganacsatada yaryari iyagaa loo daayey inay sakada iska bixiyaan. Waxa cashuur
laga qaadaa ka badan sakada qaybta ay leeyihiin shirkadaha ajnabiga ah iyo qaybta
aqnabigu ku leeyahy shirkadha wadaaga ah.
Waxa waliba kabid lagu daraa raashinka oo ah mid adduunka kale kolkuu
kor u kaco ay xukuumaddu soo farogeliso si ay u xakameyso sicir ku kordha dan
yarta. Waxa aad u jaban oon marna la kordhin batroolka, taas oon u arko aragti
aan wacnayn kolkaad eegto dhaawaca ay u yeelan karto socodka aan khrashka wadan cimilada iyo saxmadda
baabuurta oo wallow dariiqo waawyn oo lix iyo sideed haad ah magaalooyinka gees
walba laga hirgeliyey, haddana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaaya.
Maan saarin miisaan kaafi ah oon ku eego mudarooyinka iyo dheelitir
la’aanta, waayo waxay u baahantay baadhis cilmi ah iyo qoraal dheer, waxa se
aan ku farxay in sanadkan la bilaabay kaalmo mushahar ah oo qofka shaqada
la’rag iyo dumarba ( 15 jir) qof ahaan loo siiyo.( Social Benefit), nidaamkaas
oo dhinaca cadaaladda bulsho ka dhigaaya dal hiigsada nidaamka dunida
horumartay. Isla markaasna ka dhigayaa dal ka badbaada dheeldheeliga bulsho ee
beryahan ka taagan bariga dhexe. Waana dhabo ay asiibeen, wallow uu jiray hab
kaalmo oo tiro badani, haddana kani waxuu noqday mid taabta ruuxa danyarta qof
ahaan een ahyn mid qoys ahaan loo xisaabiyey. Taas oo ka yeeshay in qoyska
dhowr qof u soo hoydaan ay nolashoodu aad kor ugu kacdo.
Nidaamka dhiirgelinta abuurista shirkado saamileey ahi waa mid qayb
libax ka qaadan karta:
1. Kor-u-qaadka
maalgashiga gudaha .
2. Kor-u-qaadka
maalgashiga qurbojooga iyo shisheeyahaba
3. Nidaaminta
sarifka lacagaha qalaad iyo ilaalinta lacagta mahaliga ah.
4. La dagalanka
sicir bararka
Intaas waxa u raacda falsafadda ah in la helo cadaalad bulsho oo fursad
loo siman yahay loo farsameeyo muwaadiniinta, iyadoo danytarta lagu badhi
taaraayo inay qayb ka qaataan kheyraadka dalka. Waa nidaam la tijabiyey lagana
gaadhay guul iyo horumar.
Guud ahaan waxaan argay dal qorshe horumarineed leh, mid aqooneed leh
iyo hiigsi dheer oo aragti fog.
Waa inoo aragti dambe iyo
dhowaan Insha Allah.
http://samotalis.blogspot.com/2012/06/dareenkeyga-iyo-sucuudiga-20-sano-ka_17.html
DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANO KA DIB-3
http://samotalis.blogspot.com/2012/06/dareenkeyga-iyo-sucuudiga-20-sano-ka_17.html
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha
Madaxweynaha Somaliland ee
Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga
No comments:
Post a Comment