26 July, 2012

CALI SANDUULE OO SHEEGAY INAY SAACADO CALI WARSAME KA SOO QAYB QAADAY HALKII SNM WAX BADANA AY TIRSANAYSO

CALI SANDUULE OO SHEEGAY INAY SAACADO CALI WARSAME KA SOO QAYB QAADAY HALKII SNM WAX BADANA AY TIRSANAYSO

Hargeysa (CNN)-Gudoomiyaha koowaad ee ururka Xasoor Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo maanta ka hadlaayey shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen hogaanka ururka Xaqsoor ayaa sidaas sheegay.

Cali Sandule oo ugu horayn ka hadlaayey taariikhda halkankii SNM doorka ay ku lahayd Saadao Cali Warsame ayaa yidhi

“Fanaanadii la odhan jiray saado cali Sarsame oo dhaawac yari gaadhay ilaahay waxaanu uga baryeynaa caafimaad, waxaan idiin sheegayaa inay SNM aad ula soo halgantay. Saado heesihii lagu dhici waayey ayey gudoomiye (Xasan Ciise) meel walba ka qaadaysay”.

Cali Sandule oo hadalkiisa sii-wata ayaa intaas raaciyey oo yidhi:-

“Marbaa Daaroodku ka carari jiray oo ay odhan jireen naagtii isaaqa taageertay. Saado waxay tirsanaysaa wax wayn, qolada soo dhawaysay ee reer Garoowena waan u mahad naqayaa”.

Ugu dabayntii mar uu la hadlaayey Saado Cali Warasme, isla markaana ugu baaqay ururkooda ayaa waxa uu yidhi

“Waxaan leeyahay Saadoy maanta waxaa dhalanaya Xisbigii aad wax ku lahayd iyo dawladii aad jeclayd ee adna ha talax tagin waanan ku sugaynaa”.



Ibraahim Qaasim

Hargeysa-Somaliland

Caynabanews-Office

Qaasin05@hotmail.com





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: