20 July, 2012

BAYAAN AY SOO SAAREEN XUBNO KA MID AH WAXGARADKA DEEGAANKA WOQOOYIGA HARGEYSA

BAYAAN AY SOO SAAREEN XUBNO KA MID AH WAXGARADKA DEEGAANKA WOQOOYIGA HARGEYSA

Ka hor burburkii dalka ku habsaday iyo xataa illaa wakhtigii mustacmarada ingiriiska, wuxu dhulka miyigu u qaybsanaa dhul beereed waxsoosaar

leh oo wax laga beerto iyo dhul daaqsimeed xoolaha lagu dhaqdo oo ka caagan in ujeeddo beereed loo ijaarto. Waxa jiray xad loo yaqaannay mitirka oo aan la dhaafin jirin beeraha kaasoo tusaale woqooyiga Hargeisa ku ekaa Biyo-shiinaha, illaa Faarax Baladi oo bari iyo galbeed dhararan. Ka hor 1988kii, mitirkan ayaa xad u ahaa sharcigii “Forestry-gu” ku dhaqmi jireen. Way jireen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka fog xadkaas galbeedka Hargeisa balse iyagu immika noqday dhul waxsoosaar kuwaasoo carro ahaan iyo bee’ad ahaanba ku habboon beer roobaadka iyobeer waraabkaba marka tacab la galiyo sida degmada Allaybaday iyo koonfurta Gabiley intiisa badan. Haseyeeshee, intii ka dambaysay burburkii dagaalladii Afweyne, waxa ka bilawday deegaanno badan iyo degmooyinka dibadda ka ah magaalooyinka gaar ahaan gobolka Maroodijeex in si qorshe la’aan ahloo ooto dhul daaqsimeedkii xooluhu daaqijireen taasoo saamayn xun ku yeelatay waxsoosaarkii xoolaha iyo nolosha bulshada reer miyiga ah ee gaar ahaan xoola dhaqatada ah.

Dhinaca woqooyi ee Hargeysa, marka laga reebo inta Mitirku maro ee Biyo-shiinaha iyo Faarax Baladi ka soo sarreeya iyo dhulka dooxyada ah ee beer waraabka leh sida Horohaadley,Kalqoray, Malluugta, Annayo iyo meelaha la mid ka ah oo xadidan, dhulka kale illaa Lagagaadho xeeb iyo badda, wxxuu dhul xoolo daaqsimeed ah oo aan ku habboonayn ama aan loo oggolayn in ooto ujeeddo dhul beereed iyo in sifooyin kale loo seestaba.

Nasiib darro, waxa jirta in maamulladii u kala dambeeyay degmada Darasalam illaa markii loo aqoonsaday degmonimada, ay si badheedh ah ugu gabood faleen masuuliyadda maamul degmo iyagoo ku kacay inay si sharci darro ah u qorsheeyaan dhul beereed iyo dhul la’aanshe gaar ahaaneed oo la kala ibsado dhulkii xoolaha, loona samaysto sharciyo tuugo ah. Waxa laga oggolaaday beero qaab iskaashato iyo qaab shakhsiba ah leh meelo badan oo dhulkaas ka mid ah kuwaasoo la cashuuray, loona sameeyay sharci diwaangelin heer degmo ah sida buurta la yidhaaho Gagancadde oo ku taalla Biyo-shiinaha taasoo ka baxsan awooddooda maamul degmo, ahna masuuliyadda Wasaaradda Beeraha iyo Dawladda Dhexe, isla markaana ah arrin keeni karta in isku dhac iyo nabadgalyo darro ka dhalato haddii aan wax laga qaban. Waxa laga bixiyay buurtan dhul gaadhaya illaa 500 oo block una dhigma inka badan 5,000 oo baloodh oo dhammaantood immika seesan. Waxay degmadu ku leedahay Hargeysa xafiis qarsoodi ah iyo dad hawlahan fududeeya oo jooga Hargeysa.

Masuuliyiidda maamulka degmada Darasalam oo darajadiisu “D” tahay ma awoodo inuu qorsheeyo ama bixiyo dhul beereed ama dhul dhisme deganaansho oo ka baxsan tuulada dhexdeeda. Ma awoodo inuu bixiyo oo uu cid gaar ah siiyo oo uu mulkiyad ugu sameeyo shakhsiyaad iyo kooxo dhul illaa heerka aan ka soo war bixinnay ah oo beero iyo baloodho loo ijaarto loona seesto. Waxa masuuliyaddan leh oo fulin kara waa dawladda dhexe oo kaliya ee wixii ay degmadu ka samaysaaba waa khiyaamo bulshada lagu sameeyay kana dhalan karto cawaaqib xumo weyni. Waxa kale oo jirta in dhul fara badan oo inta u dhaxaysa Illinta-galbeed iyo Illinta-dhexe laga sameeyay barkado farabadan oo aan wali la sibidhayn seddexdii sano ee u dambeeyay kuwaasoo aan la garanayn cidda leh laakiin laga fahmayo inay qayb ka tahay khiyaamooyinka iyo xeeladaha lagu boobayo dhul daaqsimeedka taasoo ay taageerayso maamulka degmadu halkii ay ka ilaalin lahayeen deegaanka, danta guud ee xoolaha iyo dadkaba.

Arrintan waxa immika ku wada baraarugay bulshada xoola dhaqatada ah iyo waxgaradka kale ee deegaanka woqooyi, waxana ka dhalan kara khilaaf iyo iska hor imaad haddii aan waxba laga qaban si dhakhso ah maadaama ay dadka xoola dhaqatada ah ee deegaanku arkayaan tuugada caddaanka ah iyo dhul boobka ka socda dhulkoodii. Arrintani maaha mid ka jirta degmooyinka kale ee dibadda ka ah Hargeysa oo kuma kacaan maamullada degmooyinku khiyaamo illaa heerkaas ahiyo boobka dhul daaqsimeedka sidan u weyn.

Bulshada deegaanada woqooyiga Hargeysa iyo degmada Darasalam oo 80% dhaqaale ahaan ku tiirsan xoola dhaqashada waxa abaarta ku raagtay kaga daran sannado badan maamul xumada iyo tacadiyada ay kala kulmaan maamulka iyo masuuliyiinta kala sarraysa ee degmada. Waxa sannadihii 2000-201 degmadu si sharci darro ah ugu oggolaatay dhul boqolaal km ah dad isku magacaabay iskaashatooyin oo qaarkood ay gacan ka helayaan masuuliyiin meelo kala duwan jooga. Sidoo kale, waxa jira iyaguna dad masuuliyiin ah muddo dheer caadaystay inay iibsadaan dhul daaqsimeedka iyagoo maraya maamulka degmada Darasalam.

Hadaba annagoo ka soo jeedna dadweynaha degmada Daarasalam iyo deegaannada woqooyiga Hargeysaba, isla markaana xog ogaal u ah nuxurka warbixintan iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira degmada wakhtigan, waxannu ka codsanaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso ee gaar ahaan xukuumadda ay ku jiraan Wasaaradda Beeraha JSL, Wasaaradda Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Macdanta & Biyaha iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex inay waxka qabashada arrintan si degdeg ah uga hawlgalaan oo guddi xaqiiqo raadis ah oo ka kooban hay’adahan ay khusayso loo diro degmada Darasaalam si ay indhahooda ugu soo arkaan xaqiiqada jirta, isla markaana ay la kulmaan dadka xog ogaalka u ah arrimahan iyadoo ay jiraan dad badan oo odayaal iyo waxgaradba leh oo ka soo horjeeda falkan balse aan cid ku taageerta dadaalkooda helin.

Waxa kale oo aannu ka codsanaynaa xukuumadda JSL ee arrintani khusayso in marka qiimayn iyo baadhis dhamaystiran arrintan lagu sameeyo, la hor keeno sharciga cid kasta oo ka qaybqaadatay dhul boobka iyo samaynta sharciyada beenta ah ee dhul daaqsimeedka lagu mulkiyayo.

Waxad ogaataan in dhaqaalaha dalkeennu ku tiirsanyahay waxsoosaarka xoolaha nool ee aan dhaqanno taasina ay ku xidhantahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka iyo dhulka lagu dhaqanayo balse haddii deegaanka la ilaalin waayo xooluhuna ma jirayaan ee waxa fiican inay xukuumaddu arrintan siyaasad cad ka soo saarto guud ahaan dalkaba.

Waxannu rajaynaynaa inay xukuumadda JSL Dhul boobka ka socda degmada Daarasalaam ee Maamulka Degmadu ka wado dhul daaqsimeedka xoolaha degdeg wax looga qabto.

Allaa Mahad Leh

1.Maxamuud Axmed Cali _________



2.Cali Maxamed Cismaan _________



3.Cabdi Ismaaciil Cilmi _________



4.Axmed Mawliid Aw Cabdi _________



5.Axmed Adan Xasan _________



6.Cawil Ismaaciil Kaariye _________



7.Cabdirashiid C/laahi _________



8.Iid Cabdillaahi Cali _________



9.Mawliid Faarax M. _________



10.Naasir Yaasiin Axmed ________




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: